Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa sheegay in Maraykanka, Israa’iil iyo Yurub ay ku qaadeen dalkiisa “dagaal buuxa”.
Hadalkan oo madaxweynuhu sheegay Sabtidii, ayaa ku soo beegmaya iyada oo la filayo in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu Isniinta kulan la yeesho Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
Hadalladan ayaa sidoo kale imanaya lix bilood kaddib markii Israa’iil iyo Maraykanku weerarro ku qaadeen Iiraan, iyo kaddib markii Faransiiska, Jarmalka iyo Boqortooyada Ingiriiska ay bishii Sebtembar dib u soo celiyeen cunaqabataynta Qaramada Midoobay ee saaran Iiraan, taas oo la xidhiidha barnaamijkeeda nukliyeerka.
“Aniga aragtidayda, waxaanu kula jirnaa dagaal buuxa oo naga dhan ah Maraykanka, Israa’iil iyo Yurub. Ma doonayaan in dalkeennu uu istaago oo isku filnaado,” ayuu Pezeshkian ku yidhi wareysi uu siiyay bogga rasmiga ah ee Hoggaamiyaha Sare Ayatollah Cali Khamenei.
“Ciidamadeenna qaaliga ah ee milatarigu waxay waajibkooda u gudanayaan si adag, haatana dhinaca qalabka iyo awoodda shaqaalahaba, inkasta oo ay caqabado la kulmeen, way ka xoog badan yihiin xilligii ay [Israa’iil iyo Maraykanku] na soo weerareen,” ayuu yidhi.
“Markaa haddii ay doonayaan inay mar kale na soo weeraraan, si dabiici ah waxay u la kulmi doonaan jawaab ka sii adag tii hore.”
Madaxweynuhu waxaanu intaas ku darey in “dagaalkan” uu ka duwan yahay dagaalladii hore.
“Dagaalkan wuu ka daran yahay dagaalkii Ciraaq nagu soo qaadday. Haddii si qoto dheer loo fahmo, dagaalkan aad buu uga adag yahay uguna cakiran yahay dagaalkaas,” ayuu yidhi Pezeshkian, isaga oo tixraacaya dagaalkii 1980–1988 ee u dhexeeyay labada dal ee deriska ah, kaas oo ay ku dhinteen kumannaan qof.
Maraykanka iyo xulafadiisu waxay Iiraan ku eedeeyaan inay doonayso inay hesho hub nukliyeer ah, eeddaas oo Tehran marar badan beenisay.
Israa’iil iyo Iiraan ayaa bishii Juun galay dagaal socday 12 maalmood, kaas oo ka dhashay weerar aan horay loo arag oo Israa’iil ku qaadday xarumo milatari iyo kuwo nukliyeer oo Iiraan ku yaalla, iyo sidoo kale goobo dad rayid ahi ku nool yihiin.
Weeraradaasi oo sababay khasaare soo gaadhey dad ka badan 1,000 qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Iiraan.
Maraykanka ayaana markii dambe ku biiray howlgalka Israa’iil, isaga oo duqeeyay saddex xarumood oo nukliyeer ah oo ku yaalla Iiraan.
Ku lug lahaanshaha Washington ayaa hakisay wadahadalladii la lahaa Tehran, kuwaas oo billowday bishii Abriil, kuna saabsanaa barnaamijka nukliyeerka Iiraan.
Tan iyo markii uu bishii Janaayo dib ugu soo laabtay Aqalka Cad, Trump wuxuu dib u soo nooleeyay siyaasaddiisii loo yaqaannay “cadaadiskii ugu badnaa” (maximum pressure) ee ka dhanka ahayd Iiraan, taas oo uu bilaabay mudo xileedkiisii hore.
Cadaadiskaas oo uu ku jirey cunaqabataynno dheeraad ah oo loogu talagalay in dhaqaale ahaan loo curyaamiyo dalka, lana jaro dakhliga ka soo xarooda iibka saliidda ee suuqyada caalamka.
Sida ay sheegayaan warbixinno dhowaan soo baxay, marka Netanyahu uu booqdo Trump dhammaadka toddobaadkan xaruntiisa Mar-a-Lago ee gobolka Florida, waxa uu ku cadaadin doonaa in la qaado tallaabooyin militari oo dheeraad ah oo ka dhan ah Iiraan, isaga oo markan diiradda saaraya barnaamijka gantaallada ee Tehran.

