Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

W/Q: Avv. Cali Sh Adan Yusuf ( Cali Somali)

Kala-go’ida iyo aqoonsiga dowladaha waa arrin taabanaysa dhammaan dowladaha, maadaama ay si toos ah ula xiriirto Xeerka Caalamiga ah, gaar ahaan Cahdiga Qaramada Midoobey (Qodobka 1(2)), kaas oo dhigay laba mabda’ oo aasaasi ah: xaqa aaya-katashiga (Self-Determination) iyo ilaalinta midnimada dhuleed ee dowladaha (Territorial Integrity).

Inkasta oo siyaasaddu door weyn ku leedahay kala-go’ida iyo aqoonsiga dowladaha, isla markaana ay saameeyaan dano istiraatiiji ah, haddana ma aha arrin gebi ahaanba ku filan Habraaca abuurista dowlad cusub. Gobolladii ka go’ay dowlado hooyo (present state) ee helay aqoonsi caalami ah badankood waxay mareen habab sharci iyo kuwo siyaasadeed oo is biirsaday, sida South Sudan (2011) oo ku timid afti iyo heshiis caalami ah.

Tusaalaha ugu cad ee muujinaya doorka danaha siyaasadeed waa aqoonsigii reer Galbeedku siiyeen Kosovo, oo si hal-dhinac ah uga go’day Serbia sanadkii 2008, halka isla dalalkaasi ay diideen aqoonsiga Catalonia, inkastoo ay afti hal-dhinac ah qaadday.

Sidoo kale, Ruushka ayaa aqoonsaday gobollada Luhansk iyo Donetsk ee Ukraine, kuwaas oo si cad u muujinaya aqoonsi siyaasadeed balse aan wax saamayn ah lahayn.

Guud ahaan, mar kasta oo siyaasadda arrimaha dibadda ee dal ay dhex-maquurto quwado iska soo horjeeda, waxaa si toos ah u kordhaya halista ku timaadda midnimada dalkaas iyo xasilloonidiisa siyaasadeed.

Abuurista dowlad cusub kuma xirna tirada dowladaha aqoonsan. Tusaale ahaan, Dowladda Falastiin waxaa aqoonsan in ka badan 100 dowladood, hase yeeshee weli ma helin awood sharci iyo mid dhab ah oo buuxda. Sidaas darteed, aqoonsiga Israel kaliya waa arrin si buuxda ugu saleysan siyaasad, mana aha go’aan leh miisaan sharci oo gooni ah. Intaa waxaa dheer, xiriirka Israel ma aha astaan barwaaqo iyo nabad, balse badanaa wuxuu horseedaa loollan juqraafiyeed, xiisado cusub, iyo mushkilado ka fog caddaalad iyo anshax siyaasadeed.

Ugu dambayn, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa waajib ku ah in ay la timaaddo siyaasad dibadeed oo adag, midaysan, isla markaana firfircoon, si looga hortago faragelinta sharci-darrada ah, isla markaana ay taageero xooggan ka raadiso Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo ilaaliyo midnimada, madaxbannaanida, iyo sharciyadda qaranka.

Avv. Cali Sh Adan Yusuf (Cali Somali ) waa Qareen, sharci-yaqaan heerka labaad Sharciga iyo Garsoore hore.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More