Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Waaxda Hantida ee Maraykanka (United States Department of the Treasury) ayaa ku dhawaaqday cunaqabateyn cusub oo lagu soo rogay dhowr xubnood oo ka tirsan qoyska iyo saaxiibada dhow ee Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro, iyada oo maamulka Trump uu uu kor u qaadayo cadaadis ku aaddan Venezuela, isla markaana uu ciidamadiisa ka dhisayo xuduudaha Venezuela.
Cunaqabateyntan oo lagu dhawaaqay Jimcihii ayaa timid xili milatariga Maraykanku uu weli weeraro ka fulinayo doonyaha ka ag dhow xeebaha dalkaas, kuwaas oo sababay dhimashada in ka badan 100 qof. Sidoo kale, milatariga Maraykanku wuxuu qabsaday markab saliid ah oo Venezuela la ga leeyahay, waxuuna xayiray dhammaan maraakiibta soo gala iyo kuwa ka baxa dekedaha Venezuela ee ku hoos jira cunaqabateynta Maraykanka.
Xoghayaha Hantida ee Maraykanka, Scott Bessent, ayaa sheegay in “Maduro iyo shuraakadiisa dambiyadu ay khatar ku yihiin nabadda iyo xasilloonida qaaradda.” Waxaanu ku darey in “Maamulka Trump uu sii wadi doono bartilmaameedsiga shabakadaha taageera kalitalisnimadiisa sharci-darrada ah,”
Cunaqabateyntan cusub ayaa lagu beegsadey toddobo qof oo ka tirsan qoyska iyo saaxiibada Maduri oo uu ku jiro Malpica Flores, oo ah Maduro inaadeerkii, iyo ganacsade reer Panama ah oo la yiraahdo Ramon Carretero, kuwaas oo horey loogu magacaabay wareegto hore oo cunaqabateyn ah oo Maraykanku ku soo rogay 11-kii December, taas oo sidoo kale la gu bartilmaameedsaday lix markab oo saliid ah oo calanka Venezuela wata iyo shirkadaha maraakiibta.

Flores, ayaa sababta loo raadinayo la gu sheegey in “si joogto ah loola xidhiidhiyay musuqmaasuqa shirkadda saliidda ee dowladda Venezuela, Petroleos de Venezuela, SA,” sida lagu sheegay bayaanka Waaxda Hantida.
Si kastaba ha ahaatee, si toos ah looma caddeyn sida doorka Flores ee shirkadda saliidda ee dowladda Venezuela uu ula xidhiidho Maduro, waxa ayse dad badani qabaan ujeeddada cunaqabateyntani in ay tahay in la gooyo shabakadaha taageera Maduro, gaar ahaan kuwa ka qayb qaata dhaqaalaha iyo ganacsiga saliidda, si loo yareeyo awoodiisa dhaqaale iyo tiisa siyaasadeed.
In kasta oo maamulka Trump marar badan uu ku celceliyay in daroogadu tahay sababta uu Venezuela u la dagaalansan yahay hadana ficiladiisa iyo farriimihiisu waxay u muuqdaan inay si isa soo taraysa diiradda u saarayaan keydka saliidda ee Venezuela, oo ah kan ugu weyn adduunka. Keydkan saliidda ayaa wax yar laga taabtay tan iyo markii Maraykanku cunaqabateyn ku soo rogay dalkaas oo ahayd xilligii maamulka Trump ee hore.

La-taliyaha Amniga Gudaha iyo kaaliyaha sare ee Trump, Stephen Miller, ayaa isaguna toddobaadkii hore sheegay in saliidda Venezuela ay Washington leedahay.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More