Axmed Al Axmed, oo noqday halyey si weyn looga hadal hayo gudaha iyo dibadda Australia, ayaa la guddoonsiiyay lacag dhan $2.5 milyan, kaddib markii dadweyne ku kala sugan caalamka ay uga uruuriyeen baraha bulshada.
Axmed Al Axmed ayaa caan ku noqday naf-hurnimadii uu sameeyay, kaddib markii uu si geesinimo leh isugu duubay nin qori watay oo toogasho ka geysanayay dalka Australia, taas oo keentay in la badbaadiyo nafaf badan isla markaana la joojiyo khatar halis ah.
Lacagtan malaayiinta ah ayaa lagu ururiyay olole ballaaran oo ka socday baraha bulshada, iyadoo dadku si weyn u bogaadiyeen tallaabadii geesinimada lahayd ee uu qaaday Axmed Al Axmed, una arkeen mid astaan u ah midnimo, dhiirranaan iyo mas’uuliyad bani’aadamnimo.
Axmed Al Axmed ayaa sidoo kale helay ammaan caalami ah, waxaana bogaadin u diray madax caalamka ah, oo uu ugu horreeyo madaxweynaha dalka Mareykanka Donald J. Trump, kaas oo ku tilmaamay falka Axmed mid muujinaya geesinimo iyo naf-u-hurnimo dhab ah.
Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Australia ayaa booqday Axmed Al Axmed oo ku jira isbitaal, isaga oo uga mahadceliyay doorkii uu ka qaatay badbaadinta nolosha dad badan, isla markaana ku ammaanay sida uu uga hormariyay nagtiisa badbaadada dadka kale.
Arrintan ayaa noqotay mid si weyn u taabatay quluubta dadweynaha, iyadoo Axmed Al Axmed lagu tilmaamay halyey qaran iyo mid caalami ah.

