Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo saarey amar uu ku balaadhinayo liiska dalalka muwaadiniintooda laga mamnuucay inay soo galaan Maraykanka, isaga oo ku darey lix dal oo hor leh oo ay ku jiraan Falastiin iyo Suuriya.

Aqalka Cad ayaana Salaasadii ku dhawaaqay amarkan mamnuucidda socdaalka, xilli uu sii xoogeystey ololaha ka dhanka ah soogalootiga iyo qaxoontiga.

Waxaana si gaar ah loogu xusey go’aankan lix dal oo cusub oo kala ah Falastiin, Burkina Faso, Maali, Nayjar, Koonfur Suudaan iyo Suuriya, waxaana lagu daray 12 dal oo horay loo shaaciyey bishii Juun.

Hadeyeeshee Falastiin ayaan loo magac dhabin dal ahaan, maadaama Washington aysan u aqoonsan dawlad, mana loo xusin xataa Dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto oo mararka qaar loogu yeedho, taas bedelkeedana waxaa la adeegsadey “shaksiyaadka sita waraaqaha ay soo saartey maamulka Falastiiniyiintu(PA).”

“Kooxo badan oo Maraykanku u aqoonsan yahay argagixiso ayaa si firfircoon uga hawlgala Daanta Galbeed ama Marinka Gaza, waxayna dileen muwaadiniin Maraykan ah. Sidoo kale, dagaalkii dhawaa ee ka dhacay goobahan waxa uu u badan yahay inuu dhaawacay awoodda hubinta iyo shaandhaynta,” ayuu yidhi Aqalka Cad.

“Iyada oo la tixgelinayo arrimahan, iyo maadaama oo Maamulka Falastiinta ay diciiftey xakameyntiisii, shakhsiyaadka isku dayaya inay ku safraan dukumentiyo safar oo ay PA soo saartay ama ay ansixisay hadda si sax ah looma hubin karo loomana oggolaan karo inay galaan Maraykanka.”

Xildhibaanad Rashida Tlaib oo ka tirsan Kongareeska Maraykanka islamarkaana Dimuqraadi ah, asal ahaana ka soo jeeda Falastiin ayaa si kulul u cambaaraysay go’aankan, iyada oo ku eedaysay Trump iyo kaaliyihiisa sare Stephen Miller inay wadaan dadaal lagu beddelayo qaab-dhismeedka dadka dalka.

“Arxan-darrada cunsuriyadda ah ee xukuumaddan xad ma leh. Waxay balaadhiyeen mamnuucidda socdaalka iyagoo ku daraya dalal Afrikaan ah iyo dalal Muslimiin u badan oo intaa ka sii badan, xitaa Falastiiniyiinta ka cararaya xasuuqa” ayay ku tidhi qoraal ay ku daabacday baraha bulshada.

Go’aanka lagaga mamnuucayo Falastiiniyiinta Maraykanka ayaa imanaya xilli Israa’iil ay sii waddo weerarradeeda maalinlaha ah ee Gaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto.

Dhanka kale, mamnuucidda lagu soo rogay Suuriya ayaa ku soo beegmaysa xilli uu jiro isu-soo-dhowaansho u dhexeeya Washington iyo Dimishiq, kaddib markii madaxweynaha Suuriya, Axmed al-Sharaac, uu booqday Aqalka Cad bishii Nofeembar.

“In kasta oo dalku Suuriya uu si dhow u la shaqeynayo Maraykanka si uu wax uga qabto caqabadaha amni, haddana Suuriya weli ma laha hay’ad dhexe oo ku filan oo soo saarista baasaboorrada ama dukumentiyada madaniga ah, mana hayso nidaamyo ku habboon oo ay ku shaandheyso kuna hubiso,” ayuu Aqalka Cad sheegay.

Khamiistiina, Agaasimaha Sirdoonka Qaranka ee Maraykanka, Tulsi Gabbard, oo tixraaceysa toogashadii la gu diley 15 qof ee Australia ayaa amaantey xaddidaadaha socdaalka ee Trump.

“Islaamiyiinta iyo Islaamiyadda xagjirka ah waa khatarta ugu weyn ee ku wajahan xorriyadda, amniga, iyo barwaaqada Maraykanka iyo guud ahaan dunida. Yurub waxaa laga yaabaa inay joogto goor aan waxba laga qaban karin– sidoo kale Australia,” ayay ku qortay barta X.

“Weli wali waa goor hore Maraykanka. Laakiin dhowaan waxay noqon doonta xili aan waxba laga qaban kareyn. Nasiib wanaag, Madaxweyne Trump wuxuu mudnaan siiyey sugidda xuduudaha, masaafurinta argagixisada la yaqaan ama laga shakiyo, iyo joojinta socdaalka ballaaran ee aan la hubin, kaas oo halis gelinaya Maraykanka.”

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More