Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Ciidamada Badda Puntland (PMPF) ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen doon siday budooyin loo adeegsado samaynta qaraxyada, kuwaas oo inta badan lagu xiro jaakadaha ismiidaaminta iyo qalabka kale ee qaraxyada.

Howlgalkan ayaa ka dhacay xeebaha degmada Eyl, halkaas oo cutubyada Badda iyo Beriga ee Ciidamada PMPF ay ku qabteen doon siday walxo qaraxyo laga farsameeyo, kuwaas oo isugu jiray noocyo kala duwan oo leh awood waxyeello ba’an.

War qoraal ah oo ka soo baxay Ciidamada Badda Puntland ayaa lagu sheegay in doonta ay saarnaayeen 7 qof, kuwaas oo laba kamid ah ay u dhasheen dalka Yemen, halka shanta kale ay yihiin muwaadiniin Soomaali ah.

Ciidamada PMPF ayaa sidoo kale xaqiijiyay in doonta iyo dhammaan dadkii saarnaa ay hadda gacanta ku hayaan hay’adaha amniga, iyadoo la bilaabay baaritaanno lagu ogaanayo halka ay walxahan ka yimaadeen iyo cidda loo waday.

Saraakiisha amniga Puntland ayaa sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu adkeynayo ammaanka xeebaha Puntland, loogana hortagayo soo tahriibinta hubka, walxaha qarxa iyo dhaqdhaqaaqyada halista ku ah nabadgelyada guud.

Ma jiro wax faahfaahin ah oo dheeraad ah oo ilaa hadda laga bixiyay cidda ay u socotay shixnaddan, balse ciidamada ayaa ballan-qaaday in faahfaahin buuxda dib loo shaacin doono marka baaritaanku soo dhammaado.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More