Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Sharren Haskel, ayaa Arbacadii sheegtay in Israa’iil ay “xiriir gaar ah” la yeelatay dowladda Soomaaliya, iyadoo tilmaantay in wada hadalladaasi ay la xiriiraan dan ay wadaagaan oo ah sidii looga hortagi lahaa saameynta Xuutiyiinta ee dalka Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.
Hadalkaasi ayay Haskel ka sheegtay wareysi ay siisay i24NEWS. Israa’iil iyo Soomaaliya oo dal Muslim ah kana tirsan Ururka Jaamacadda Carabta, ma laha xiriir diblomaasiyadeed rasmi ah.
Warka Wasiirka reer Israa’iil kasoo baxay kuma aysan sheegin cidda ay la xiriirtay, Dowladda Soomaaliya ayaana dhankeeda laga sugayaa in ay jawaab ka bixiso.
Markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh xukunka yimid 2022 ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya inuu safar ku tagay Telaabiib, hase ahaate lama helin caddayn xoojinaysa xiriir dhexmaray Soomaaliya iyo Israa’iil.

