Dalka Suuriya ayaa maanta waxaa looga dabaaldegayaa sannad guuradii koowaad ee ka soo wareegtey dhicistii taliskii mudada dheer dalkaas xukumayey ee Bashaar al-Asad, iyo dhammaadkii dagaal socdey ku dhowaad 14 sannadood.
8-dii December sanadkii hore ayaa waxaa guud ahaanba la soo afjarey xukunkii Xisbiga Ba’ath oo mudo 61 sanno talinayey, kadib markii Dimishiq la qabsaday. Islamarkaasna Bashaar Al-Asad ayaa waxuu u cararay Russia, halkaas oo magangelyo la ga siiyay.
Bishii Janaayo, Axmed al-Sharaa ayaa loo magacaabay madaxweyne ku-meelgaadhka ah ee Suuriya. Waxaana hadal hayn weyn dunida ka dhaliyey al-Sharaa oo ku dhowaad hal sano iminka hoggaaminayay Siiriya intii lagu jiray marxaladda kala-guurka.
Al-sharaa oo ahaa siyaasi hore u ahaan jiray taliye kacdoon ayaa mar hore ay ciidamada Maraykanku ku qabteen dagaalkii Ciraaq, isagoo markii dambena hoggaamiye ka noqday laanta al-Qaacida ee Siiriya ka hor intii aan kooxdiisu, HTS, si rasmi ah uga go’in shabakaddaas sannadkii 2016.
2024, Maraykanku wuxuu madaxiisa dul dhigay abaalmarin dhan $10 milyan oo lagu bixinayo cid kasta oo keenta xog horseedda in la qabto. Haseyeeshee tan iyo markii Dimishiq la qabsaday, al-Sharaa wuxuu isku dayay inuu dib u dhiso sumcaddiisa, isagoo ka tagay magaciisii hore ee Abu Mohammed al-Julani, isla markaana ku baaqay Siiriya nabad ah oo mideysan.
Isaga oo xukunkiisana diirada ku saarey dib u dhiska dawladda, dib u heshiisiinta kooxaha hubeysan ee kala jajaban iyo dib u furista marinada iyo macaamilaadka Siiriya ee ganacsiga caalamiga ah.
Sidoo kale dowladda cusub waxay mudadaas qaadey tallaabooyin lagu bixinayo adeegyada aasaasiga ah oo in badan xanibnaa, sida korontada iyo mushaharrada shaqaalaha dowladda, waxayna fulisay go’aamo si toos ah u saameeyay nolosha maalinlaha ah ee shacabka.
Wareegto madaxweynaha oo soo baxdey bishii Juun ayaa mushaharka ugu yar ee shaqaalaha dowladda kor uga qaadey 250,000 Syrian pounds (qiyaastii $15 wakhtigaas) una kordhiyay 750,000 Syrian pounds (qiyaastii $65).
Waxaa sidoo kale bilaabmay dayactirka iyo hagaajinta shabakadda korontada qaranka, taas oo si aad ah u burburtay intii uu socday 14-kii sano ee duqeymaha. Magaalooyinka waaweyn sida Aleppo, Homs iyo Dimishiq ayaana markii ugu horreysay 15 sano gudahood helay koronto 24-saac ah oo aan go’ayn.
Sidoo kale, xabsiyadii cabsi-gelinta ku ahaa shacabka Suuriya – oo ay ka mid yihiin Sednaya, xabsiga militariga ee Mezzeh iyo Khatib – ayaa si rasmi ah loo xiray.
Intaasuun kuma uu eekeyne waxa uu qaadey talaabooyin waaweyn oo dhinaca xidhiidhada caalamiga ah iyo arimaha dibada ah.
January 2025 kadib markii Ahmed al-Sharaa loo magacaabay madaxweyne kumeelgaadhka ah ee Suuriya, dastuurkii hore waa la laalay, hay’adihii amniga ee taliska hore-na waa la kala diray. Isla bishii xigtey ee February-na Midowga Yurub ayaa hakiyay cunaqabataymo waaweyn oo saarnaa Suuriya si loo taageero dib-u-soo-kabashada dalkaas, islamarkaasna boqolaal ergooyin ayaa ku kulmey Dimishiq si ay uga qayb galaan Shirkii Wadahadalka Qaranka oo la gu dejiyey qorshaha dib-u-habeynta.
March Guddi loo qorsheeyey ayaa bilaabay qorista bayaanka dastuurka ku meel gaarka ah, ciidamada SDF-na waxay oggolaadeen in lagu daro hay’adaha dawladda. Waxaa kale oo si buuxda loogu dhawaaqey Golaha wasiirrada KMG-ga ah.
Bishii April Siiriya waxay markii ugu horreysay in ka badan labaatan sano dib ugu biirtay shirarka Bangiga Adduunka iyo IMF. Ingiriiskuna waxuu ka qaaday inta badan cunaqabataymihii uu hore u saarey. May Siiriya waxaa laga bixiyey daymihii Bangiga Adduunka, taasoo u furtay helitaanka maalgelinta horumarinta, islamarkaana waxa uu baanka aduunku garowsadey in Suuriya ay u qalanti in ay mar kale hesho amaah ay ku maareyso nidaamka dib u kabashada. Maraykanka iyo Midowga Yurubna waxay fududeeyeen cunaqabataynta, shirkado shisheeye ayaana saxiixay heshiis tamareed oo balaayiin dollar ah.
Bishii June Midowga Yurub ayaa si rasmi ah u taageeray kala-guurka siyaasadeed ee Siiriya, wuxuuna ballan qaaday garab-istaag joogto ah. July ilaa August Dagaallo ka dhacay Suwayda ayaa sababay duqeymo Israa’iil ay ku qaaday, ka hor intaan la gaadhin xabbad-joojin. Siiriya isla bishaa iyada oo sii wada siyaasadeeda is furfurista ah ee dibada waxa ay bilowday wadahadallo maalgashi iyo dib-u-dhis oo ay la yeelatey dalal gobolka ah iyo kuwo reer galbeed ahba.
September Al-Sharaa wuxuu khudbad ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, waxaana la qabtay doorashadii baarlamaanka ee ugu horreysay dagaalka kadib.
U gu danbeyna November Al-Sharaa waxaa lagu qaabilay Aqalka Cad, Maraykankuna wuxuu hakiyay qaar ka mid ah cunaqabataymaha waaweyn ee uu hore u saarey. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaana booqday Dimishiq, Kanada-na waxay ka saartay Siiriya liiskeeda “argagixisada”.
Si kastaba ha ahaatee tan iyo intii xukunka laga tuurey Bashaar Al-Asad ayaa waxaa guryahoodii dib ugu laabtey tiro lagu qiyaasey 1.8m Siiriyaan ah oo barakacey, halka 780,000 oo qof oo qaxoonti ahi ay dalka dib ugu laabteen. Waxaa xusid mudan in mudadadii uu socdey dagaalka Siiriya uu sababay mid ka mid ah musiibooyinkii ugu waaweynaa ee qaxootiga caalamka, iyadoo ku dhowaad 6.8 milyan oo Suuriyaan ahi(oo ka dhigan qiyaastii saddex-meelood meel dadka dalka) ay ka carareen Suuriya, kuwaas oo magan-galyo ka raadinayay meel kasta oo ay heli karaan.

