Magaalada Boorama ayaa waxaa gilgilay mudaharaadyo waaweyn, shacabka reer Awdal ayaa si kulul uga falceliyay go’aanka Xukuumadda Somaliland ku ansixisay in magaalada Saylac lagu qabto munaasibadda Xeer Ciise. Carada shacabka ayaa markii hore ahayd mid nabadeed oo lagu muujinayo tabasho, balse si degdeg ah ayey isugu rogtay qalalaase, iyadoo bannaanbaxyadii isu beddeleen rabshado sababay dhaawacyo iyo dhimasho.
Isku daygii ciidamada ammaanka ee ahaa inay kala dareeriyaan dadkii mudaharaadayay ayaa xaaladda kaga sii daray. Magaalada gudaheeda waxaa ka dhacay rabashado gaystay qasaare nafeed iyo mid hanti. qaar ka mid ah xarumaha muhiimka ah ayaa ay wax gaareen, waxaana waddooyin badan lagu xanibay dhagxaan iyo taayarro la gubay.
Labadii maalmood ee ugu danbeeyay Boorame waxay ku jirtay xaalad deganaansho la’aan ah, waxaana istaagay dhamman hawl maalmeedkii shaqo ee magaalada. Rabshada ka jira magaalada gudaheeda ayaa sii kordhaya. Dhimashada dad kabadan 15 qof ayaa la xaqiijiyay, waxaana jira dhawaac badan. Majiraan ciidamo iska soo horjeeda oo dagaallamaya.
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa ku dhawaaqay in uu joojiyay munaasibaddii lagu xusi lahaa buugga Xeer Ciise, Kaddib qalalaase xooggan oo ka dhacay magaalada Boorama. Go’aanka joojinta ayaa yimid Kaddib markii qalalaasaha ay si weyn u fideen.
Xeer Ciise waa maxay?
Xeer Ciise waa buug lagu aruuriyay xeerarka iyo hab-dhaqannada dhaqanka ee beelaha Ciise, kuwaas oo ku nool Geeska Afrika. Xeerkan waxaa ku jira nidaamyo bulsho, qawaaniin lagu xalliyo khilaafaadka, iyo hab-raacyo dadku ku dhaqmi jireen qarniyo badan. Xeerku wuxuu xambaarsan yahay taariikh, hab dhaqameedyo iyo xeerar bulshada u ahaa hagitaan muddo qarniyo ah.
Bandhiggiisa rasmiga ah ee la qorsheeyay ayaa noqday mid uu muran badan hareeyay, waxaana shacabka qaar ay sheegeen in goobtii loo doortay aan hishiis lagu ahayn.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka tacsiyaysay dadkii ku dhintay rabshadaan. Dowladda ayaa sheegtay in dhacdadaasi aanay waafaqsanayn dhaqanka nabadeed ee gobolka Awdal
DFS waxay ugu baaqday maamulka Somaliland inuu ka shaqeeyo isu soo dhowaanshaha shacabka, tabashooyinka jira lagu xalliyo wadahadal iyo tanaasul, isla markaana laga fogaado wax kasta oo khalkhal gelin kara xasilloonida.
Joojinta munaasibadda Xeer Ciise ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Somaliland waxay ka tarjumaysaa culayska arintaan, taas oo isu beddeshay qalalaase sababay khasaare nafeed iyo dhaawacyo badan. Muranka ka dhashay Xeer Ciise ayaa u muuqda mid daaha ka rogay tabashooyin bulsho iyo arrimo siyaasadeed oo u baahan wadahadal qoto dheer.

