Maamulka Madaxweyne Trump ayaa sii daayay bishii inay waydaaratay ee Noofeembar Istiraatiijiyadda cusub ee Maraykanka taas oo uu maamulkiisu ku shaqayndoono.
Nuqulka la faafiyay ee istiraatiijiyadda qaybta arrimaha dibadda ee xiriirka Shiinaha iyo Afrika ayaa waxaa ka muuqda isbaddal.
Qaybta istiraatiijiyadda cusub ee Maraykanka ee ku saabsan Afrika ayaa isbaddal lagu sameeyay. Waxaana lagu sheegay in Maraykanku muddo dheer diiradda saaray gargaarka iyo faafinta aragtiyo siyaasadeed, balse hadda loo baahan yahay in uu u gudbo iskaashi ku saleysan maalgashi iyo ganacsi.
Qaybtan waxaa si toos ah looga arkay hab dhaqanka siyaasadeed ee Maraykanka oo si toos ah isu baddalay.
Imaanshaha Donald Trump ee xafiiska waxaa markiiba la bilowday in la jaro taageeradii aadantanimada iyo ka shaqaynta hanaanka dimuqraadiyaynta Afrika.
Sida ku cad Istiraatiijiyadda cusub, Maraykanka ayaa Taageeradii ku baddalay Iskaashi, Dimuqraadiyadiina ku baddalay cidii xukunka joogta ayaa muhiim inoo ah. Waa aragti dhab ah oo dhaqangal noqonaysa inta Trump xukunka joogo.
Haddaba, sida ku cad nuqulka la faafiyay waxyaabaha maamulka Trump kala shaqeyn karo Afrika waxaa ka mid ah:
– Xal u helidda khilaafaadka ka taagan Afrika sida DRC-Rwanda, Sudan, iyo inaan mid cusub ka dhex qarxin Ethiopia-Eritrea-Somalia.
– Ka hortagga argagixisada Islaamiyiinta xagjirka ah.
– In la taageero dowladaha nidaam ahaan sugan ee suuqooda u fura badeecadaha iyo adeegyada Maraykanka.
Qaybaha muhiimka ah ee maalgashiga waxaa kamid ah tamarta (koronto nuclear ah, gaaska dabiiciga ah, shidaalka dareeraha ah) iyo kheyraadka dabiiciga ah.
Ujeedadu waa in Maraykanku ka faa’iido ganacsiga Afrika isla markaana tartan la galo awoodaha kale ee caalamka.
Si kastaba, Istiraatiijiyadda cusub ee Maraykanka ayaa Soomaaliya laga arki karaa in Maraykanku uu ka eegayo dantiisa.
Lama xusin in lagala shaqayn doono dowladnimadeeda. Keliya waxaa la xusay wixii dan u ah Maraykanka.

