Wiil yar oo sabab u noqday iney Diinta Islaamka qaadato gabar u dhalatay wadanka Uganda
Kahor inta aysan bilaaban khudbadii Jimcaha ee maanta, Imaamka Masjidka weyn ee Cali Jimcaale ayaa Jameecadii masjidka kahor sheegay iney Gabar Ajnabi ah oo u dhalatay dalka Uganda ay qaadatay Diinta Islaamka, waxaana Towxiidka loogu qabtay isla masjidkan oo ku yaala aagga sida aadka ah loo ilaaliyo ee kaabiga ku heysa garoonka diyaaradaha Aden Cadde.
Xarunta New Muslim Center oo Masjidka ku dhextaalo oo ah qeyb loogu talagalay in lagu Islaamiyo Dadka Diinta Muslimka ah qaadanaya ayaa lagu soo dhaweeyay gabadhan, iyadoo laga badalay magaceedii hore waxaana loo bixiyay Caatika.
Arrinta xiisaha leh ayaa ah in ay Diinta Islaamka soo gasho uu sababteeda lahaa wiil ka yar da’da 10 sano jirka oo lagu magacaabo Cabdullaahi Liibaan Daahir, haweeneydan waxa ay addeegto ama Shaqaale ka eheyd guriga Cabdullaahi iyo qoyskooda ay ku nool yihiin, isagoo mar walba dhihi jiray erayo uu ugu sheegayo iney qaadato Diintiisa oo ah mida ugu wanaagsan, sida uu yiri.
“ mar walba oo aan arko waxaan dhihi jiray Become Muslim, Muslim Is Better, ugu danbeynna wey iga ogolaatay” waxaa sidaas Masjidka ka dhex sheegay Cabdullaahi Yare.
Prof Cabdisallaan Malla oo ah maamulaha Xarunta New Muslim Center ahna shaqsiga Towxiidka u qabtay Caatika ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanahay Cabdalla Yare inuu door fiican ka ciyaaray howshan, isagoo u rajeeyay Musraqbalka dhow inuu gacantiisa kusoo Islaamiyo dad badan, wuxuuna Jameecadii ka dalbaday in ay u duceeyaan.
Si kastaba, Masjidka Cali Jimcaale oo dhismihiisu uu socday mudo 6 sano ah, lacagta lagu dhisay ay gaareyso $12 Milyan oo doolar ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay dhowr qof oo Ajnabi ah Towxiidka loogu qabtay, dadkaasoo badankooda ay micnaha iyo macaanida Diinta Islaamka ay u sharraxeen ama ka arkoodeen dad ay wada shaqeeyaan, balae gabadha Uganda u dhalatay ee Caatika la baxday ayaa ka duwan sheekooyinkaas oo qaadashadeeda Diinta Islaamka waxaa sabab u noqday wiil yar oo gurigooda ay ka shaqeyneysay.

