Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

W/Q: Nuux Faarax Mahad

Dabayaaqadii toddobaadkii ina waydaartay oo ku beegneed Khamiistii 27 Nov Muqdisho waxaa lagu soo gabagabeeyay shir loogu wanqalay Shirka Culimada Soomaaliyeed, oo muddo isbuuc ah Caasimada ka socday. Waa markii saddexaad oo shir noocan ah Dawladda Soomaaliyeed marti galinayso, gaar ahaan Wasaarada Diinta iyo Awqaafta. Haddaba, maxaa looga hadlay shirkaas? Maxaa kasoo baxay? Yaa ka qaybgalay? Muxuu ugu duwanaa sanadihii hore?

Qoraalkayga ugama dan lihi inaan dhalleeceyn ama jaa’ifo guud u gaysto CULUMIDA DIINTA ee Soomaaliyeed, hase ahaate waa fallanqayn aan ku hogatusaalaynayo muhiimadda Wadaadada Diintu ee dalka u leeyihiin iyo maqnaanta kaalintooda. Tan waxaa garab socdo iftimiin aan ku samaynayo sida hu’gii wadaadka ay u xirteen Wadaad xume ama Culumaa’u Suldah—khatar diimeed aanay Wadaad diimeedku ku baraarugsanayn. Marka aad dhammayso akhriska qormadan waxaan rajayn inaad iswaydiin doonto Wadaadadu yeey dalka iyo dadka ku heleeyeen?

Inta aanan u guda galin ubucda qormadaan aan dib u jalleecno sooyaalka Shirka Culimada Soomaaliyeed. Bishii Jannaayo 23, 2023 waa markii ugu horraysay oo shirkan lagu qabto magaalada Muqdisho iyada oo shirkii sanadkaas cinwaan looga dhigay doorka culimada ee la dagaallanka fikrahadaha xagjirnimo iyo argagixisnimo, waxaana xilligaas shirka furay Madaxweyne Xasan Sheekh isaga oo si gaar ah u tilmaamay muhiimada ay leedahay in la dhiso hay’ad culimo oo sal adag leh, isaga oo markaas ku andacoonaya in khilaaf xooggan uu ka dhex jiro ummadda, tusaalana usoo qaatay xilliyada Soonka, Ciidaha IWM oo dad badan la yaabeen. Waxaa xusid mudan in xilligaas Madaxweyne Xasan uu si dadban u xusay in culimada aan waxba laga waydiin doonin siyaasad, balse ay muhiim tahay in la helo hay’ad marjic u noqota isqabqabsiga diineed ee ka jira dalka. Sidoo kalena, in golaha Madaxweyne Xasan uu raadinayo ee ah golaha Fatwada saddexdii sano ee lasoo dhaafay uu horyaallo labadda gole ee Baarlamaanka.

Sanadkaas kii xigay ee 2024 waxaa lagaga hadlay sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, kaas oo ay hormuud u yihiin culimada oo ah kuwa kaliya ee qeybaha bulshadu dhagaystaan, haddaba sanadkan (2025) oo noqonaya sanadka saddexaad ee dib loo furay shirka culimada Soomaaliyeed waxaa looga hadlay midnimada {Midnimada iyo wadajirka ummada Soomaaliyeed, fursadaha iyo caqabadah} iyada oo hal ku dhag looga dhigay aayada 46-aad ee suuratul Anfaal ولَا تَنَازَعُوا فَتَفْشَلُوا وَتَذْهَبَ رِيحُكُم
Sanadkan iyo kii ka horeeyay ee 2024 waxa aan dhihi karaa shirku ma uusan gudbinaynin farriimo si wayn u kala baddalan oo ciwaannada shirka aad ayay isku shabahayeen, balse shirka culimada ee sanadkaan waxa uu ku soo aaday xilli xasaasi ah, xilli dhibaatooyin waawayn la daalaa dhacayaan bulshada Soomaaliyeed, dhibaatooyinkaas oo ay hormuud u yihiin shacabka ay caasimadoodu martigalinayso shirka ee reer Muqdisho, xilli abaarro ba’an ay ka jiraan dalka, dagaallo qabiil, siyaasada dalka oo si wayn u kacsan iyo ku tagrifal hantidii danta guud IWM.

Haddaba, waxa is waydiin mudan muxuu shirka Culimada Soomaaliyeed ugu jawaabi waayay baahiyaha dhabta ah ee bulshadu haysta sida; abaaraha, dagaallada qabiil, ku tagri falka hantidii danta guud iyo siyaasad xumada xarkaha goosatay ee dalka ka jirto?
Waad habowsan tahay haddii aad sugayso culimo dawladu isku keentay inay gorfeeyaan baahiyo bulsheed iyo mid ummadeed. Waxaan sidaas kuu leeyahay culimadu waxa loo qaybiyaa saddex qaybood, oo kala ah:
1. Wadaad diineed
2. Wadaad dawladeed iyo
3. Wadaad ummadeed.
Wadaad Diineed: Waxaa loola jeedaa culimo si buuxda ugu dhaga-nugul diinta Islaamka, kuna dhaqma xeerka Alle iyo waxa uu Rasuulku ﷺ lagu soo dajiyay, waxay u istaagaan xaqa iyaga oo aan cidna ka baqayn, qof kasta ha noqdo’e.
Ma daneeyaan ra’yiga dadka, mansabkooda, awooddooda ama jaceylkooda. Uma qalloociyaan diinta qof ama dano dadweyne. Waxa keliya ay eegayaan waa waxa diintu sheegtay, mana beddelaan xaqa si ay cid uga raalli galiyaan. Sidaas darteed, waa culimo sheegta oo ku dhaqma xaqa, oo aan ka welwelin haddii dadka ay ka caroodaan ama ay ku farxaan, waa kuwa Suubbanuhu NNKH ku sheegay inay dhaxleen ambiyada.

Wadaad Dawladeed: Waxaa lagu tilmaamaa culimo aan miisaanka saarin waxa shareecadu dhigeyso, balse ku eegta marka hore rabitaanka hoggaamiyaha. Haddii hoggaamiyuhu doonayo in arrin la xalaaleeyo ama la xarrimo, iyaguna si dhakhso ah ayay u soo saaraan fatwo u waafaqaysa doonistiisa, taasi waa waxa marka aan aragtidayda ku miisaamay uu damacsan yahay Madaxweyne Xasan markii uu furaayay kalkii koobaad shirkan 2023.
Waxay intaas dheer yihiin inay isku dayaan inay qalloociyaan macnaha aayadaha Qur’aanka iyo axaadiista, si ay ugu muujiyaan rabitaanka hoggaamiyaha, si kasta oo nusuustu ugu macno iyo miisaan baalaaran yahay.

Wadaad Umadeed: waa culimo aan go’aamadooda ku dhisin Qur’aanka iyo Sunnada, balse ku eegta danta iyo rabitaanka bulshada. Haddii ay arkaan dadka oo u janjeera inay arrin la xalaaleeyo, iyaguna waa xalaaleeyaan. Haddii bulshada ka soo horjeeddo arrin oo ay rabto in wax la xarrimo, iyaguna sidaas ayay u xarrimaan—xitaa haddii ay nusuusta khilaafayaan uma joojiyaan.
Waxay kaloo ku dadaalaan inay qalloociyaan micnaha aayadaha iyo axaadiista, si ay ugu ekaato kuwo taageeraya rabitaanka dadka, iyagoo taasi xaqiiqadu ka duwan tahay.
Marka, culimada noocan ahi waa kuwii hanka bulshada u qalloociya diinta, oo ka dhiga ra’yiga dadka wax ka horreeya xukunka Alle. Balse, sidaas ma ahaan oo waa kii Sayid Cali lahaa “haddii diintu masaalix iyo caqli ahaan lahayd Khufka kor laga masaxayo ayaa hoos laga masixi lahaa.”

Isbarbardhiggan fudud wuxuu muujinayaa kala duwanaanshaha u dhexeeya culimada karaamada ku leh cilmiga iyo diinta, oo xitaa haddii la cadaadiyo aan xaqiiqada ku iibsan xil iyo adduun iyo culimada kale ee doorbiday damaca madaxda, halkii ay ka dooran lahaayeen raalli ahaanshaha Eebbe ee baaqiga ah.
Taariikhda Islaamka waxa ku xusan tusaalooyin nool iyo culimo waaweyn oo u istaageen xaqa: sida; Al Xusayn Ibnu Cali, Cabdullaahi Ibnu Zubayr, Saciid Ibnu Jubayr, Imaam Maalik, Abuu Xaniifa, Imaam Axmed Ibnu Xanbal, Ibnu Taymiyyah, iyo Suldaanka culimada – Cizzuddiiin Ibnu Cabdussalaam. Balse, kuwaas baddalkooda waxaa jiro culimo sooyaalku uusan sinaba u xusin iyada oo aan cidina u baroordiiqin.

Haddaba waxa aad moodaa in culimadii isbuucii tagay Muqdisho la isugu keenay ay meel iska dhigeen waxa Fiqiga siyaasada Islaamku uu u yaqaano التقويم {Toosin}, waa aragti ku dhisan in loo sheego hoggaanka umnadda waxa uu ka gaabiyay iyada oo aan xadgudub jirin, loona tilmaamo meesha sartu ka quransan tahay, aragtidan waxaa laga soo dhanbashay hadalkii Zayid Abuukar Sadiiq ee ahaa “”Waxaan idiin ahay hoggaamiye, laakiin ma ihi kan idiin kugu wanaagsan idinka; haddii aad wax wanaagsan iga aragtaan, i caawiya, haddii aad wax qaldan aragtaan, i saxa”.
Iyada oo laga duulayo qodobkan muhiimka ah oo lagu daray in shirka gabi ahaan wax saamayn ah oo la sheego uusan samayn, taasi oo aan sabab ugu dhigayo saddex arrin.
1) Shirka oo aan ka jawaabin baahida rasmiga ah ee shacabka Soomaaliyeed.
2) Shirka oo ahaa mid dawladdu maalgalisay, sidaas darteed si wayn loo xakameeyay doodaha miiska la keenayo.
3) Culimada shirka oo gabi ahaantood ahaa wadaado dawladeed, marka laga reebo wax yar oo doodooda meesha ka muujiyay, kuna dooday haddii dawladu na casuuntay miyaanan khaladkeeda sheegayn.
Ugu dambayn, waxa ummadda Soomaaliyeed maanta ka maqan kaalinta culimo, Eebbe ka baqa oo garwaaqsada ammaanadda culayskeeda leh ee xambaarsan yihiin, ammaano aan lagu gudi karin raalli gelinta qofka xukunka haya, ee lagu gudo keliya addeecidda nusuusta shareecada iyo u istaagidda xaqa, si kasta oo ay u adkaato.

Hoos-u-dhaca weyn ee ku dhacay kaalintii culimada Soomaaliyeed waa mid muuqata oo aan la dabooli Karin. Waxay ka gaabiyeen waajibaadkii aasaasiga ahaa ee ummadda, waxayna oggolaadeen in codkoodii uu noqdo mid kaliya ku kooban dan gaar ah iyada oo danta guud dayacantahay, xilli dawlad xumo, musuq, ammaan darro, abaarro IWM ay bulshada la daalaadhacayso diinta Islaamkuna si wayn u dhiirrigalisay danta guud.
Culimada Soomaaliyeed waxa maanta dushooda saaran masuuliyad culus, waa in qofka xambaarsan diinta iskala sarreeyo danaha shaqsiga, siyaasaddaha guracan, iyo raalli gelinta qof gaar ah, waa in ay noqdaan hoggaamiyayaal ruuxi ah oo ummadda u horseeda iftiin, caddaalad iyo ilaalinta diinta. Haddii aysan mas’uuliyaddan buuxin, luminta kaalintan ma aha oo kaliya mid iyaga ku eg, balse waa mid guud oo saamaynayso jiilal baddan.
Nuux Faarax Mahad waa Wariye ka tirsan Telefishinka RTN.

Qoraalkan kama turjumayo aragtida Somali Stream, wuxuuna u gaar yahay qoraaga oo kaliya. Wixii falcelin ah kala xiriir nuux996@gmail.com

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More