Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Maamulka Trump ayaa sheegay inuu hakiyey dhammaan codsiyada socdaalka, oo ay ku jiraan “green card”-yada iyo habraacyada dhalashada Mareykanka, ee ay gudbiyeen muhaajiriinta ka soo jeeda 19 dal oo Afrika u badan, iyagoo sabab uga dhigay wax ay ku tilmaameen walaacyo ku saabsan amniga qaranka iyo badbaadada bulshada.

Liiska dalalka ayaa waxaa ku jira Afghanistan iyo Somalia.

Dukumeentiga rasmiga ah oo qeexaya siyaasadda cusub waxaa ku xusan weerarkii lagu qaaday xubno ka tirsan Ilaalada Qaranka ee Mareykanka (National Guard) ee Washington toddobaadkii hore, kaas oo nin Afghan ah loo xiray inuu yahay eedeysanaha. Hal askari ayaa ku dhintay, mid kalena dhaawacdaran ayaa kasoo gaaray rasaastaas.

Trump ayaa sidoo kale maalmihii u dambeeyey kordhiyey hadallada uu ku weerarayo Soomaalida, isagoo ku tilmaamay “qashin” (garbage) isla markaana yiri “ma rabno inay dalkayaga yimaadaan.” Majiro mas’uul dowladda Soomaaliya ka tursan oo Trump u jawaabay.

Liiska dalalka lagu bartilmaameedsaday qoraalka Arbacadan la soo saaray waxaa ka mid ah: Afghanistan, Burma, Chad, Republic of the Congo, Equatorial Guinea, Eritrea, Haiti, Iran, Libya, Somalia, Sudan, iyo Yemen — kuwaas oo bishii Juun la saaray xayiraadihii ugu adkaa, oo ay ku jireen joojin buuxda oo gelitaanka ah marka laga reebo dhowr xaaladood oo kooban.

Dalalka kale ee ku jira liiska 19-ka, kuwaas oo bishii Juun lagu soo rogay xayiraado qayb-ahaan ah, waxaa ka mid ah: Burundi, Cuba, Laos, Sierra Leone, Togo, Turkmenistan, iyo Venezuela.

Siyaasadda cusub waxay hakineysaa dhammaan codsiyada socdaalka ee wali socday, waxayna faraysaa in dhammaan muhaajiriinta ka imanaya dalalka ku jira liiska “dib-u-eegis buuxda lagu sameeyo, oo ay ku jiri karto wareysi dheeri ah ama in mar kale dib loo wareysto haddii loo baahdo, si si buuxda loo qiimeeyo khataraha amniga qaranka iyo kuwa bulshada.”

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More