Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Nov 30(Jowhar)-Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir 5 maalmood socday oo looga hadlayey arrimaha isbeddelka cimilada iyo nidaamka helida maalgelinta cimillada Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimillada Soomaaliya (NFC).

Shirkaan ayaa diirada lagu saaray qiimeynta baahiyaha maalgelinta cimillada Soomaaliya iyo sida ay muhiimka u tahay in laga faa’iidaysto. Intii uu socday shirkaan ayaa si guud loogu qiimeyay baahiyaha maalgelinta cimillada, iyadoo sidoo kale dooddo lagula yeeshay kulanka Ururka Bangiyada Soomaaliyeed ee ku saabsan hal-abuurka maaliyadeed, hoggaanka NCF kuwaas oo horseedi doona barnaamij gaar ah oo mustaqbalka loo diyaarinayo bangiyada dalka si loo xoojiyo helitaanka maalgelinta nidaamka Isbeddelka Cimillada.

Shirkaan ayaa waxaa warbixno ku saabsan hannaanka helitaanka maalgelinta maaliyada cimillada ku soo bandhigay masuuliyiin sare oo ka socday Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ,Bangiga Horumarinta & Dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRB), iyo Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimillada Soomaaliya kuwaas oo diiradda lagu saaray helitaanka maalgelinta cimilada iyo fursadaha ka jira Sanduuqa Cimillada Adduunka (GCF) iyo Sanduuqa La-qabsiga.

“Shirkaan oo 5 maalmood socday wuxuu ahaa mid aas-aasi u ah in Dowladda Soomaaliya si wanaagsan ugu diyaar garowdo in ay si toos ah u hesho maalgelinta cimilada, loona maamulo si waafaqsan nidaamyada dowliga ah ee soo hagaagaya,” ayuu yiri Liban Obsiye, Agaasimaha Fulinta ee NCF.

Soomaaliya hadda waxay ku tiirsan tahay hay’ado kale oo caalami ah iyo kuwo qaran oo leh aqoonsiga GCF iyo Sanduuqa La-qabsiga si loogu fuliyo mashaariicda cimilada, inkastoo ay tahay dalka ugu hooseeya marka laga hadlayo qiiqa ka dhasha isbeddelka cimilada, sidoo kalena ugu nugul saamaynta taban ee isbeddelka cimillada.

Waxaa shirka sidoo kale ka qaybgalay xubno sare oo ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedalka Cimilada, iyo Wasaaradda Beeraha, Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo UK FCDO Pioneer Country Trials oo Soomaaliya ku biirtay intii lagu jiray COP28 laba sano ka hor sidoo kalena taageero farsamo siiyaa Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimillada Soomaaliya (NCF).

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More