Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa baraha bulshada kaga dhawaaqey in aan Koonfur Afrika loo oggolaan doonin inay ka qaybgasho shir-madaxeedka G20 ee sannadka dambe lagu qabanayo Miami, Florida. Hanjabaadan ayaana timi kaddib markii uu Trump ka baaqdey shirkan oo sannadkan ay marigalisey Koonfur Afrika.

Qoraal uu Arbacadii soo dhigay Trump ayuu ku celiyay eed uu hore ugu soo jeediyey Koonfur Afrika taas oo ahayd in dalkaas uu ka socdo “xasuuq” loo geysanayo dadka cadaanka ah. Trump ayaana sidoo kale hore ugu shaagey sababta uu shirkaas uga baaqdey in ay tahay xadgudubyo uu sheegey in lagu hayo dadkaas oo dowlada Koonfur Afrika waxba ka qaban weydey.

Waxuuna ku celiyay hanjabaaddii ahayd in Koonfur Afrika aysan mar dambe heli doonin maalgelin ka timaadda Mareykanka taas oo ahayd siyaasad uu dhaqan-geliyay horaantii sanadkan.

“Koofur Afrika waxay adduunka u muujisay inay ahayn waddan u qalma inaanay meelna xubin ka ahaato” ayuu yidhi Trump. “Waxaan joojinaynaa dhammaan lacagaha iyo deeqaha aan siin jirnay, dhakhso ayaana loo dhaqangalinaya”

Haseyeeshee khubarada xuquuqda aadanaha ayaa isku raacsan inaysan jirin wax sal ah oo muujinaya eedaha Trump ee xasuuqa uu sheegey in loo geysto cadaanka ku nool Koofur Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa si isdaba joog ah u soo celceliyey sheegashooyinkan isagoo cadaadis saaraya dowlad uu hoggaamiyo madaxweynaha Cyril Ramaphosa. Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay warbaahinta inay baahin weyday falalkaas.

“Dowladda Koonfur Afrika waxay diidan tahay inay qirato ama wax ka qabato ku xadgudubyada ba’an ee xuquuqul insaanka ee lagu hayo cadaanka asalka ah ee Koonfur Afrika, iyo faracyada kale ee ka soo jeeda gumaystayaashii Dutch, French, iyo German,” ayuu yidhi. “Waxay si aan kala sooc lahayn u dilaan dadka cadaanka ah ee ku nool halkaas, waxayna oggolaanayaan in beerahooda laga qaato. Tan ugu xumina waa in New York Times oo dhowaan xirmaysa iyo warbaahinta ‘Fake News’-ku aysan hal eray ka odhan xasuuqan.”

Mareykanku ayaa ahaa lammaanaha labaad ee ganacsi ee ugu weyn Koonfur Afrika marka la ga imaado Shiinaha, ganacsiga ka dhexeeyana ayaana qiimihiisu gaadhayey $26.2 bilyan, haseyeeshee shirkii G20 ee dhacayay dhammaadkii usbuucii hore magaalada Johannesburg ee Koonfur Afrika ayaa muujiyay sida xidhiidhka labada dal uu si weyn isugu beddelay.

Shirku ayaana guud ahaanba muhiim u ahaa qaaradda Afrika oo markii ugu horraysay martigelisay hoggaamiyeyaasha G20. Hase yeeshee, inkasta oo Mareykanka caadiyan uu kaalin weyn ku leeyahay G20-ga, markan, Trump ayaa go’aansaday inuu ka baaqsado islamarkaasna aanu u dirin wax masuuliyiin ah oo ka socda Washington, DC.

Caadi ahaan, G20 waa madal ay ku kulmaan hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo waddamada dhaqaalaha sare leh ee caalamka si ay uga wada hadlaan tignoolajiyada, mashaariicda deegaanka iyo kobaca dhaqaale ee wadajirka ah.

Shirkan ayaana sanadka dambe lagu wadaa inuu ka dhaco magaalada Miami. Sida dhaqanka ah, dalka martigelinaya shirweynaha G20 ayaa ku soo gabagabeeya kulanka isagoo dubbe yar ku garaaca miiska, ka dibna gudbiyo dubbehaas alwaaxda ah waddanka xiga ee qaban doona shirka.

Balse Axadii oo shirkani uu soo gebagaboobey ayaa Madaxweynaha Ramaphosa aanu cidna u gudbin dubbehaas.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More