Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa baabi’iyay sharci kumeel gaar ah oo Soomaalida Minnesota ku joogtay dalka Mareykanka.
Warbaahinta Fox news ee Dalka Mareykanka ayaa baahisay in Trump uu meesha ka saaray sharciga ka hortagayay in Soomaalida gobolkaas qasab dib loogu celiyo Soomaaliya.
Trump ayaa yiri; ” gaangistarrada Soomaalida waxa ay argagixinayaan Dadka gobolkaas muhiimka ah,balaayiin doolar ayaana ku maqan, u celi halka ay ka yimaadeen, waa ay dhamaatay.”
Madaxweyne kasta oo qabta talada Mareykanka ayaa sharcigaas saxiixa kaas oo Hay’adaha Socdaaalka Mareykanka ka hor istaagaya in qof Soomaali ah asal ahaan oo aan dambi lagu heyn qasab lagu celiyo.
Tani waxa ay walwal badan ku abuureysaa Soomaalida aan helin shariga Mareykanka ee dalkaas ka shaqeysta.

