Dowladda Maraykanku ayaa soo bandhigtay soo jeedin cusub oo lagu joojinayo dagaalka Ruushka uu ka wado Ukraine, taas oo ku qasbeysa Kyiv inay ka tanaasusho dhul iyo qayb ka mid ah hubkeeda, isla markaana waxaa lagu wargeliyay Madaxweyne Ukraine Volodymyr Zelenskyy inuu aqbalo, sida ay sheegayaan warbixino dhowr ahi.
Warbaahinta qaar ayaana iyaga oo soo xiganaya ilo aan la shaacin oo xogogaal u ah qorshaha oo qabyo qoraal ah, sheegey in diyaarinta qorshahan nabadeed la gu dhisey wadatashi lala yeeshay mas’uuliyiin Ruush ah.
Faahfaahin dheeraad ah ayaana kasoo baxaysa maalmihii la soo dhaafay qorshahan nabadeed ee 28-qodob ka kooban ee uu dabada ka riixayo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kaasi oo lagu sheegay in la gu dhameynayo dagaalka afarta sano socday ee Ruushku kula jiro Ukraine. Warbaahin kala duwan iyo masuuliyiin ayaa ku tilmaamey in qodobada soo baxay — inkasta oo aan weli si rasmi ah loo daabicin 28ka qodob — ay u muuqdaan kuwo u janjeera dhinaca Ruushka.
Faahfaahinta qorshahan ayaa soo baxday kaddib markii Danjiraha Maraykanka ee Qaramada Midoobay, Mike Waltz, uu Khamiistii u sheegay Golaha Ammaanka in Maraykanku Ruushka u soo bandhigay “Soo jeedino ay ku jiraan in la ga dabcin doono cunaqabateynta”.
“Maraykanka oo uu hogaaminayo madaxweyne Trump waxa uu ku bixiyey qiimaha ugu sareeya si loo soo afjaro dagaalkan,” ayuu Waltz ku yidhi golaha.
Hay’adda wararka ee AFP ayaa Jimcihii soo werisay in qorshahu uu dhigayo in Crimea, Lugansk (Luhansk) iyo Donetsk loo aqoonsado inay si dhab ah qayb uga yihiin Ruushka. Taas oo la jaanqaadaysay warbixin hore oo ay baahisey warbaahinta Maraykanka ee Axios.
Warbaahinta AP ayaa iyaduna xaqiijisay in qorshuhu uga baahan yahay Ukraine inay ka tanaasusho gobolka Donbas, oo ay ku jiraan Luhansk iyo Donetsk — inkasta oo qiyaastii 14% dhulkaasi ay weli gacanta ugu jiraan Ukraine.
Qoraalka ku jira nuqulka soo baxay ayaana sheegayaa in Ruushku heli doono dhammaan bariga Donbas, sidoo kalena qorshuhu ku qasbayo Ukraine inay yareyso tirada ciidamadeeda, sida ay AFP sheegtayna ciidamada Ukraine ayaa la ga dhigi doonaa kaliya 600,000 askari, halka haatan ay ka yihiin ku dhowaad 900,000.
Si kastaba ha ahaatee in kasta oo aan si rasmi ah loo shaacin nuqulka dhamayskatiran ee qorshaha nabadeynta hadana ilaa hada qodobada warbaahinta soo gaadhay waxaa ka mid ah:
– Ukraine waxay yeelan doontaa xuquuqda xubinnimada Midowga Yurub (EU).
– Maraykanka iyo Ukraine waxay si wadajir ah u maamulayaan, u casriyeynayaan una hawlgeliyaan kaabayaal shidaal iyo gaaska, sida dhuumaha iyo keydka.
– Warshadda Nukliyeerka Zaporizhzhia waxay u shaqeyn doontaa iyaga oo hoos tagaya kormeerka IAEA, tamartana si siman ayey u qaybsan doonaan Ukraine iyo Ruushka (50:50).
– Ciidanka Ukraine ayaana ka bixi doona qeybaha ay ka joogaan gobolka Donetsk, kaasi oo noqon doona aag dhexdhexaad ah oo aan ciidan lahayn.
Hase ahaatee bixinta dhul Ruushka loo wareejiyo waxay ka hor imaaneysaa dastuurka Ukraine, taas oo uu si cad hore u gu diiday Madaxweyne Zelenskyy oo marar badan ku celiyay inuusan marnaba oggolaan doonin.
AFP waxay sidoo kale sheegtay in qorshuhu oggolaanayo diyaaradaha dagaalka ee Yurub inay ku sugnaadaan Poland si ay u difaacaan Ukraine.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira shuruudo kale oo la sheegey in la gu xidhay Kyiv, qorshaha gudihiisa, oo ay ka mi tahay:
– in Ukraine ay aqbasho in aysan martigelin karin saldhigyo ama ciidamo NATO ah iyo
– In Ukraine ay ballan qaado in aysan waligeed ka mid noqon doonin NATO
Dhinaca kalena AP ayaa soo werisay qodobo si gaar ah u khuseeya Ruushka oo ay ka mid tahay in Ruushku ballan qaadi doono in aanu mustaqbalka weerarro dambe ku qaadi doonin Ukraine, taas oo Aqalka Cad ku tilmaamay tanaasul xeel fog. Sidoo kalena $100 bilyan oo ka mid ah hantida Ruushka ee la hore loo xanibay loo isticmaali doonaa dib u dhiska Ukraine. Islamarkaana Ruushka dib loogu soo celin doonaa kooxda G8 iyada oo lagu dari doono dhaqaalaha caalamka.
Ugu danbeyna wasiirka warfaafinta ee Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay in labada dhinac — Ukrainian iyo Ruush — ay qeyb ka ahaayeen wadaxaajoodyada qorshahan oo ay muddo bil ah ka shaqeynayeen Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Marco Rubio iyo ergayga gaarka ah Steve Witkoff.

