Donald Trump ayaa xaqiijiyay kulan muddo dheer la sugayay oo uu la yeelanayo Duqa cusub ee magaalada New York Zohran Mamdani, kaas oo ka dhici doona Washington. Waxaa kulmaya laba siyaasi oo si weyn isu dhaliila, kuwaas oo bilihii lasoo dhaafay uu weerar midba-kan kale uu ku qaadayay.
Qabsoomida Kulanka oo uu Trump ku shaaciyay baraha bulshada inuu ka dhici doono gudaha Qolka Oval-ka ayaa waxa uu u noqon karaa bilowga isu-soo-dhawaansho u dhexeeya madaxweynaha xisbiga Jamhuuriga ah iyo siyaasiga xisbiga Dimuqraadiga ee soo kacaya.
In mudo ah Trump wuxuu weerar afka ah ku hayay Mamdani, isaga saadaaliyay in magaalada New York ay burburi doonto haddii ninka dimuqraadiga ah ee u janjeera hantiwadaagga la doorto. Sidoo kale wuxuu ku hanjabay inuu masaafurin doono Mamdani oo ku dhashay Uganda isla markaana noqday muwaadin Mareykan ah sanadkii 2018 iyo inuu jari doono lacagaha federaalka ee magaalada la siiyo.

