Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Maxkamadda dabiyada caalamiga ah ee (ICT) ee dalka Bangladesh ayaa ku xukuntay dil toogasho Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalkaas, Sheikh Hasina, kaddib markii lagu helay dambiyo culus oo la xidhiidha tacaddiyo ka dhan ah bani’aadamnimada.

Sheikh Hasina, oo haatan ku sugan magaalada New Delhi ee India halkaas oo ay ka heshey magangalyo ku meelgaadh ah, ayaa la maxkamadeeyay iyada oo maqan, iyada oo eedeymaha loo jeediyeyna ay salka ku hayaan ku tagrifal awooddeed, dilal qorsheysan, iyo amarro hubaysan oo ka dhan ah dadkii mudaharaadayey intii uu socday kacdoonkii ardayda ee 2024.

Maxkamadda ayaana ku riday saddex nooc oo ciqaab ah, kuwaas oo isugu jirey Laba xukun oo dil ah iyo mid xabsi daa’in. Dambiyada lagu helayna waxaa ka mid ah:
1. Abaabulka iyo fulinta dil-wadareedyo
2. Amar bixinta isticmaalka xoogga ciidamada cirka iyo dhulka
3. Dilka shaqsiyaad gaar ah
4. Qarinta caddeymaha iyo aasida maydadka
5. Hagidda hawlgalladii ka dhanka ahaa mudaaharaadayaasha
Maxkamadda ICT, oo ay Hasina lafteedu aasaastay 2010-kii, ayaa horey loogu dhaliilay in loo adeegsado dano siyaasadeed, balse dowladda ku-meel-gaarka ah ee xiligan talada dalkaas haysa ayaa ku adkeysanaysa in hannaanka maxkamadeyntu ahaa mid madax-bannaan.

Dhanka kale Xisbiga Awami League, oo ay Hasina hoggaamin jiray, ayaa ku tilmaamay xukunka mid siyaasad iyo aargoosi ku dhisan, islamarkaana aan helin aan helin caddaalad madax-bannaan.
Sidoo kale, hay’adaha xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah ayaa walaac ka muujiyay, xasilooni darrada siyaasadeed iyaga oo degdeg ku tilmaamey xukunka maxkabada iyo suurtogalnimada in dacwadda loo adeegsaday dano siyaasadeed.

Shacabka Bangladesh ayaana falcelin kala duwan kaga jawaabay iyaga oo qaar ka mid ahi ay taageereen xukunka maxkabada halka taageerayaashii Hasana ay sameeyeen dibadbaxyo ay kaga soo hor jeedaan.

India ayaan ilaa hada u muuqanin in ay diyaar u tahay inay dib ugu gacan-geliso Hasina, arrintaasna waxay abuuri kartaa xiisad diblomaasiyadeed oo cusub, Iyo welwel ku saabsan mustaqbalka gobolka.

Bangladesh ayaa haatan wajahayso marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo dowladda ku-meel-gaarka ah ay sheegtay inay sii wadi doonto, dib-u-habaynta nidaamka cadaaladda iyo soo afjaridda xadgudubyada dowladihii hore.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More