15kii Juun, 2022, markii Xamse loo magacaabay xilka Wasiirka koowaad ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaa abuurmay shaki ballaaran oo ku saabsan xilka loo magaacabay ee Raysal Wasaaraha Soomaaliya sida uu uga soo bixi karo.
Saddax sababood ayaa sal u ahaa shakiga laga qaaday Xamse Cabdi Barre, waxaana jiri karay mid afaraad.
Qodobka koowaad oo dad badani wax ku qiimaynayaan ayaa ahaa inuu noqday Raysal Wasaarihii ugu horreeyay ee dal jooga ah tan iyo burburkii Dowladdii Dhexe sannadkii 1991. Dhammaan raggii ugu horreeyay xafiiska ayaa ahaa shaqsiyaad ku noolaa dalka dibaddiisa, si gaar ah labadii ugu danbeeyay.
Qodobka labaad ee shakiga keenaya, ayaa ahaa inuu ahaa nin dhallinyaro ah oo aan hore xil federaal oo muuqda aan soo qaban marka laga reebo inuu xildhibaan Federaal ahaa muddo laba bilood ku siman ka hor inta aan la magacaabin iyi boosas lataliyeyaal wasaaradeed ah.
Tan saddexaad, waa inuu ka yimid deegaan aan dadka ka soo jeedaa aysan qaban labada xil ee sare ee Soomaaliya. Waxay ahayd xaajo ugub ah, waana tan ay hoos galayso qodobka afaraad oo ah inay magacabistiisa iyo xilhayntiisaba ay si wayn u diideen siyaasiyiin xilal haya oo u arkaya in aan Xamse uusan u qalmin xilka.
Qabashada Xamse iyo helista codka kalsoonida ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaa markale la faafiyay in Xamse uu noqon doono Raysal Wasaarihii ugu cimriga gaabnaa, waxaa la duray shaqsiyadiisa hoggaamineed, waxaana waydiin la dulsaaray waxqabadka xukuumaddiisa.
Haddaba saddax sano iyo shan bilood kaddib oo noqday maanta Raysal Wasaarihii ugu xilhaynta dheeraa tan iyo burburkii, waxaa miisaamaynaa jawaabaha uu Xamse ka bixiyay shakigii laga qabay.
Tan koowaad oo ah xil haynta waxaa uu Xamse kaga jawaabay inuu noqday tan iyo burburkii Wasiirkii koowaad ee ugu mudda dheeraa ee loogu yeera Raysal Wasaare. Xamse ayaa xawaare ku dhaafay, Galeydh, ilaa Rooble, waxaa uu xilka joogaa 1249 maalmood, waa xil hayn ka badan 13 Raysal Wasaare hore mid kasta oo kamid ahaa, laakiin tiradu weli waa sii socotaa, oo waa kordhaysaa. Waa taariikh xil hayn oo cid kastaaba xusi doonto, haddii uu xilka sii joogo muddo 7 bilood oo danbana, ama 200 maalmood in kabadan, waxay ka dhigan tahay inuu noqonayo Raysal Wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee soo mara Soomaaliya, waxaana uu kaalintaas kala baxayaa Raysal Wasaare Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo xafiiska fadhiyay 1433 maalmood.
Waxqabadka iyo shaqadiisa Dowladnimo.
Xamse Cabdi Bare, waxaa lagu xasuusan doonaa laba shaqo oo muhiim ah oo aanu jirin Raysal Wasaare ka horreeyay oo dalka kaqabtay muddada soddanka sano kabadan ee dalku kujiray soo kabashada qaran.
1- Xasillooni siyaasadeed:
Si ka duwan Xamse Cabdi Aar, ayaa noqday Raysal Wasaare hoggaamiyay xukuumaddii ugu waqtiga dheerayd, tani waxya ku timid inuu abuuray jawi wadashaqaynd oo dhexmartay isaga iyo laamaha Dowladda. Muddada uu Xamse joogo xukunka ma aysan kicin rabshad siyaasadeed oo hakad gelisay shaqada Dowladda. Joogsi la’aanta shaqada waxaa sal u ah inaysan jirin Mooshin toos ah oo laga qabtay saddaxda hay’aadood ee dalka ugu sarreeya.
Baaqashada mooshinadda inay tahay shaqo uu layimid Xamse ayay u badan marka loo eego Guddoonka Baarlaamka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu yaqaan ka macaashka isbaddalka xukuumadaha.
Inkasta oo dhaliiil laga dhigo wadashaqaynta hay’adaha dalka dhexmarta, haddana in Xamse uu xukunku ku negaaday waxay xujo ku tahay Raysal Wasaarayaashii lasoo dagaalay madaxdii magacowday.
2- Amniga Muqdisho:
Dowladnimada dhutinaysa ee Soomaaliya waxqabadkeeda ugu wayn waxaa laga eegaa Muqdisho oo ah Caasimad aan degganaan arag muddadii uu dalku kujiray soo kabashada Jamhuuriyadda Saddaxaad ee dalka.
Tan iyo 1991, waxaa la isla qirsan yahay in caasimaddu ku jirto ayaamaheedii ugu wanaagsanaa ee oo ay Dowladdi gacanta ku hayso, inta uu xilka joogay Raysal Xamse waloow ay dhaceen falal amni darro ah, la beegsaday Madaxweynihii, shacab badan la dilay, lagalay xarumo Dowladeed, haddana waxay muqdisho dareemaysaa soo kabasho amni.
Dhanka Federaalaynta dalka, Xamse waxaa uu haystaa la macaamil wanaagsan oo kala dhaxeeya 4 maamul iyo Gobolka Banaadir. Xamse ayaa loo arkaa inuu wax ku biiriyay Federaalaynta dalka, kadddib gacanta uu kagaystay aasaaska iyo socodsiinta maamulka Waqooyi Bari oo dhawaan loo madlan yahay caleema saarkisa. hase yeeshee, waxaa weli jira aragti kala duwanaanta kala dhaxaysa Jubaland iyo Puntland.
Xukuumadda Xamse waxqabadyada kale waxay kala mid tahay xukuumadihii ka horreeyay oo midkasta wax ku daraysay horumarinta nidaamka dowlad dhiska dalka, waxayna la nooshahay duruufaheeda gaarka ah.
Si kastaba, Xamse Cabdi Bare ayaa loo arkaa inuu la yimid ajande siyaasadeed oo ku dhisan isdhawrid siyaasadeed, kaddib markii uu ka gaabsaday buuqa siyaasadeed ee dalka kasocda, waxaase laga sugayaa inuu markan muujiyo kaalintiisa ku aaddan kala guurka iyo inuu dalka ku hoggaamiyo doorasho xasilan oo ugu biirta diiwaanka waxqabad.

