Haddii aad horay u ogayd in Soomaaliya ay ku jirto fowdo siyaasadeed, dhaqaale, iyo mid bulsho, hadda waxaa jira cabsiah in Soomaaliya gashay fowdo dijitaal ah oo labanlaabi doontadhibaatooyinkii hore u jiray, maadaama Soomaaliya aad u isticmaalaan adeega internetka.
Dhaqdhaqaaqyada Dowladda ee tignoolajiyada, ayaa dad badanu arkaan in dalka ka dhex abuurtay fowdo iyo isku-dhexyaac la xiriira xogta gaarka ah ee muwaadiniinta iyo aqoonsigadadweynaha Soomaaliyeed iyo kuwa ajnabiga ah.
Dhacdada E-Visa
Toddobaadkan waxaa la jabsaday nidaamkii E-Visa ee DowladdaSoomaaliya, waxaana la xaday xogta shakhsiyeed ee dadkii isticmaalay. Dadkaas waxa ay isugu jireen Soomaali sita baasaboor ajnabi iyo sidoo kale ajaanib isugu jira diblomaasiyiin iyo shaqaalaha hay’adaha caalamiga ah ee Soomaaliya la shaqeeya. Sida lagu qoray Daily Express, tiro khubaro ah oo ka shaqaynaysay amniga iyo sirdoonka ayaa dalka ka baxay, kaddib markii la shaaciyay in ka badan 35 kun oo qof oo isticmaalay adeegga E-Visa in xogtooda banaanka la keenay.
Nidaamka Guddiga Doorashada
Guddiga Doorashada ee lagu muransan yahay ayaa sidoo kale ah qeyb weyn oo horseedaysa fowdada dijitaalka ah ee dalka uu galayo.
Guddiga waxeey abuureen xog-keyd cusub oo dadweyne, iyagoo iska indha tiray in la isticmaalo xogta shakhsiyeed ee rasmiga ah ee NIRA. Tani waxay abuureysaa xaalad ay hay’ad walba is-keed u sameysanayso howl isku mid ah, oo markii hore la rabay in hal meel loogu hagaago.
Guddiga waxa ay sawirro iyo faro ka qaadeen dadweyne badan, ayagoo kaydsaday xogtooda. Guddiga waxa ay mar kale soosaari doonaan kaarar wata sawir iyo xog shakhsiyeed oo aanahayn mid rasmi ah, taas oo qeyb ka noqon doonta isku-dhexyaaca iyo fowdada internetka uu dalku galay.
Dayaca Hay’adda Ilaalinta Xogta iyo Wasaaradda Isgaarsiinta
Tabar-yaraanta hay’adaha Soomaaliya u qaabilsan tignoolajiyada iyo ilaalinta xogta ayaa ah qodobka ugu weyn ee sahlaya fowdada dijitaalka ah ee dalku uu wajahayo. Shaqooyin u baahan aqoonta iyo khibradda ayaa ah kuwa lagu bixiyo siyaasad, si loo naas-nuujiyo xildhibaan cod laga rabo ama qaraabada madaxda dalka. Wasaaradda ICT-ga ayaa iyana sidoo kale wajahaysa isla caqabadaha hay’adda ilaalinta xogta oo saaxada ka maqan, iyagoo dhibane u ah aqoon-darro iyos haqaaleysiin ku salaysan siyaasad, qabyaalad, iyo eex.
Saameynta Fowdada Dijitaalka ee Ku Yeelan Doonta Soomaaliya
Weerarrada Internetka ayaa noqon doona kuwo si aad ah u sii kordha, gaar ahaan kuwa lagu ugaarsado xogta dadka ee lagu dhaco bangiyada iyo shirkadaha isgaarsiinta. Shirkadaha gudaha iyo kuwa dibaddu waxa ay wajihi doonaan caqabad in ay kala saaraan dadka saxda ah iyo burcadda isticmaalaysa xogta dadka, maadaama wixii xog ahaa iyo dukumiintiyadii aqoonsiga ay yihiin kuwo bannaanka yaal oo dhowr meel kasoo kala baxa. Waxaa dhici karta in xogta qof shakhsi ah oo daacad ah lagu geysto dhibaatooyin waaweyn oo saameyn ku yeesha nolosha dadweyne badan iyo ganacsiyo, sida in la dhaco dhaqaale iyo nolol-maalmeedkooda. Sidoo kale, waxa ay sahlanaan doontaa in si fudud la isaga dhigo qof kale.
Dhaawaca Aqoonsiga Dukumiintiyada Soomaaliyeed ee Adduunka
Waxa dhaawac weyn iyo dhib soo gaari doonaa aqoonsiyada dalka Soomaaliya iyo kalsoonida lagu qabi karo awoodda Dowladda ee maareynta, ilaalinta, iyo isticmaalka aqoonsiga iyo xogta dadka eey matalaan. Sameeynta dukumentiyo kala duwaniyo aqoonsiyo xambaarsan xog is qilaafsan ayaa keeni karta in eey yaraato kalsoonida bulshada caalamka ku qabaan documents ka dalka.
Gunaanad
Fowdada dijitaalka ah ee Soomaaliya gashay ayaa ah digniin qaran oo culus. Waxey soo bandhigeysa tabaryarida hay’adaha dowliga ah ee ka shaqeeya ilaalinta xogta iyo ICT ga, kala-danbeyn la’aanta nidaamyada maareeynta xogta, iyo khatarta kusoo wajahan muwaadiniinta iyo ajanabiga ku sugan dalka.
Dunida iyo taageerayaasha Soomaaliya ayaa waxeey Soomaaliya u arki doonaan dal aan awood u lahayn ilaalinta xogta muwaadiniintiisa taas oo keeni karta in la adkeeyo socdaalka, adeegsiga baasaboorada, iyo adeegyada la xiriira aqoonsiga eey Soomaaliya leedahay.
W/Q: Cabdulrasaaq Cabduljaliil Xaaji waa khabiir ku takhasusay Kormeerka iyo Qiimaynta oo leh in ka badan 10 sano oo waayo-aragnimo qaabaynta iyo maaraynta natiijooyinka iyo xogta ku salaysan mashaariicda maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah.

