Wasiiraddii hore ee Caafimaadka Soomaaliya, Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur, ayaa si buuxda u taageertay Midowga Haybad Qaran, oo ay ku midoobeen siyaasiyiin kala duwan, kuwaas oo si rasmi ah u doortay Ra’iisul Wasaarihii hore, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) inuu noqdo musharraxa madaxweynenimo ee doorashada soo socota.
Marwo Fowsiyo, oo muddo shan sano ah ka soo shaqeysay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, ayaa ahayd dhakhtar xirfad ahaan u tababaran, isla markaana ahayd wasiirkii keliya ee qabtay xil si toos ah ula xiriira takhasuskeeda caafimaad. Intii ay xilka haysay, waxay door weyn ka qaadatay maareynta xanuunka COVID-19, iyadoo hoggaamisay dadaallo muhiim ah oo lagu xakameynayo faafitaanka cudurkaasi.
Marwo Fowsiyo ayaa barta ay ku leedahay Facebook ku daabacday qoraal ay ku tiri:
“Bogaadin iyo soo dhoweyn Midowga Haybad Qaran.
Waxaan codkayga ku biirinayaa bogaadinta iyo dhiirrigelinta siyaasiyiinta ku xusan bayaankan hoose, kuwaas oo go’aansaday inay isugu yimaadaan hal xisbi oo mideeya — Midowga Haybad Qaran.
Sidoo kale, waxaan hambalyo u dirayaa xulashada Ra’iisul Wasaarihii hore, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo ah shakhsi lagu yaqaan ixtiraam, karti, iyo isu duubni ummadeed.
Tan iyo markii si rasmi ah loogu dhawaaqay Xisbiga Midowga Haybad Qaran, waxaa soo baxaya siyaasiyiin iyo shacab muujinaya taageeradooda iyo ku biiristooda ururkan cusub ee siyaasadeed.

