Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Warbixin uu soo saaray Xafiiska Warfaafinta Dawladda ee Qaza ayaa sheegtay in Israa’iil ay heshiiska xabbad-joojinta jebisay ugu yaraan 282 jeer intii u dhaxaysay 10-kii Oktoobar ilaa Noofambar 10-keedii, islamarkaasna ay sii waday weerarro cirka ah, madaafiic iyo toogashooyin toos ah oo lagu qaaday shacabka Qaza iyada oo ku dhawaad maalin kasta weeraradu dhacayeen.

Tan iyo markii xabbad-joojintu dhaqan gashay duhurnimadii Oktoobar 10-keedii, Israa’iil ayaa dishay 242 Falastiiniyiin ah dhaawacdayna 622 kale, sida ay sheegayaan tirooyinka ugu dambeeyay ee ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ee Falastiin.
19-kii bishii Oktoobar, kadib markii laba askari oo Israa’iili ah lagu dilay magaalada Rafah, Israa’iil ayaa ku eedeysay Xamaas inay jebisay xabbad-joojinta, taas oo ay kaga jawaabtay weerarro cirka ah oo ku baahsan guud ahaan Marinka Gaza, weeraradaas oo sababay dilka 45 qof.
haseyeeshee garabka hubeysan ee Xamaas, Al-Qassam Brigades, ayaa sheegay in Israa’iil ay si buuxda u maamusho aagga Rafah, isla markaana aysan jirin wax dagaalyahanno Falastiiniyiin ah oo halkaas joogay ama xidhiidh la leh Xamaas.
29-kii bishi Oktoobar, Israa’iil ayaa dishay 109 qof, oo ay ku jiraan 52 carruur ah, kadib iska horimaad hubeysan oo ka dhacay magaalada Rafah, kaas oo lagu dilay hal askari Israa’iili ah. Israa’iil ayaa sidoo kale sheegtay in mid ka mid ah meydad ay Xamaas soo dhiibtay aanu ahayn maxaabiistii Israa’iil ee lagu heshiiyey in la soo dhiibo xilligii xabbad-joojinta.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhacdadaas ku tilmaamay “aargoosi xaq ah,” isaga oo saxaafadda u sheegay in “Israa’iil ay si sax ah uga jawaabtey falkaas’’ Taas oo ka dhigan in uu cadaalad u arko in dhimashada hal askari oo Israaiili ah iyo meyd khaldamey loo dilo 52 carruur ah iyo 57 qof oo waaweyn oo reer Falastiin ah.
Israel ayaa sidoo kale la sheegay in ay burburisay in ka badan 1,500 dhisme oo ku yaalla deegaannada Qaza ee ay weli maamusho tan iyo intii ay billaabantey xabbad-joojintii ay la gashay Xamaas 10-kii Oktoobar, sida ay muujinayaan sawirro laga qaaday dayax-gacmeed oo ay daabacday BBC-du.
Sawirrada oo kii ugu dambeeyay oo la qaaday 8-da Noofambar, ayaa muujinaya in xaafado dhan oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Israa’iil ee loo yaqaano IDF dhulka la la simay muddadaas bisha ka yar, taas oo u muuqata in si ula kac ah loo duminayey.
Dumintaas ayaana si cad u jebinaysa shuruudaha xabbad-joojinta ee ay gadhwadeen ka ahaayeen Maraykanka, Masar, Qatar iyo Turkiga. Sidaas oo ay tahay hadana, afhayeen u hadlay IDF ayaa u sheegay BBC-da in Israa’iil ay “u dhaqmeyso si waafaqsan qaab-dhismeedka heshiiska xabbad-joojinta ee Trump.”

Inkasta oo qorshaha nabadeed ee 20-ka qodob ahaa ee uu soo jeediyay Madaxweyne Donald Trump ee Qasa, oo saldhig u ahaa xabbad-joojinta, uu si cad u sheegayey in “dhammaan hawlgallada militari, oo ay ku jiraan duqeymaha cirka iyo madaafiicda, la joojinayo.” Hadana Trump ayaa tan iyo markaas si isdaba-joog ah u sheegay in “dagaalku dhammaaday.” Isaga oo aan waxba ka soo qaadin duqaymaha iyo dilalka ay Israaiil wali ka wado marinka Qasa.

Sawirada dayax gamceedka ayaa sidoo kale la ga arkey ciidamada IDF ee Israa’iil oo ka sokeeya “Khadka Jaallaha ah”, oo ah xuduud u dhexeeya waqooyiga, koonfurta iyo bariga Qaza. Heshiiskii xabbad-joojinta ee bishii Oktoobar ayaana dhigayay in Israa’iil ay ciidamadeeda dib uga saarto meel ka baxsan khadkaas, kaas oo ahaa khariidadaha rasmiga ah ee IDF oo lagu calaamadeeyay midab jaalle ah.
Heshiiska xabbad-joojinta ayaa sidoo kale dhigayey in “gargaar buuxa si degdeg ah loo gelin doono marinka Gaza.” Haseyeeshee taasina ma aysan u suurogalin sidii heshiisku dhigayey.
Sida ay sheegtay Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), kaliya kala badh gargaarkii cunto ee loo baahnaa ayaa ilaa hadda gaadhay Qasa, halka isbahaysi hay’adaha samafalka Falastiiniyiinta ay sheegeen in guud ahaan gargaarka la gaadhsiyay uu yahay kaliya rubuc wixii lagu heshiiyay xabbad-joojinta.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More