Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Golaha Shacabka oo ansixiyey hindise sharciyeedka la dagaallanka burcad-badeedda iyo afduubka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si aqlabiyad leh u ansixiyey Hindise Sharciyeedka dib-u-eegista sharciga la dagaallanka burcad-badeedda iyo ka hortagga afduubka, kaas oo horey u ahaa Sharci Lr.36 ee soo baxay 30-kii Abriil sanadkii 1975-tii.

Cod bixintii maanta oo ka dhacday fadhiga Golaha Shacabka, ayaa waxaa ogolaaday 140 Xildhibaan, iyadoo uusan jirin xildhibaan diiday ama ka aamusay. Arrintan waxey muujineysa in go’aan mideysan ay xildhibaannadu ka qaateen muhiimadda ay leedahay la dagaallanka burcad-badeednimada oo mar kale kusoo laba-kacleeyay xeebaha Soomaaliya.

Ansixinta sharcigan dib loo eegay ayaa kusoo beegmeysa xilli dhowaan ay dhaceen weerarro burcad-badeed oo dhowr ah, kii ugu dambeeyayna uu ahaa markab calanka Malta watay, kaas oo kasoo tagay dalka Hindiya kuna sii jeeday Koonfur Afrika (South Africa). Inkastoo weerar lagu qaaday markabkaas, haddana waxaa badbaaday 24-kii shaqaale ee saarnaa iyo hantidii markabka, kadib markii ay ciidamada badda Midowga Yurub (EU Naval Forces) ay fuliyeen howlgal guuleystay oo ka dhacay xeebaha Soomaaliya.

Sharcigan cusub ayaa lagu wadaa in uu xoojiyo awoodda dowladda ee la dagaallanka dambiyada badda, isla markaana uu sii adkeeyo iskaashiga Soomaaliya la leedahay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya nabadgelyada iyo amniga marin-biyoodka caalamiga ah.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More