Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine, Andrii Sybiha, ayaa sheegay in, in ka badan 1,400 qof oo ka kala socda 36 dal oo Afrikaan ah ay u dagaalamayaan dhinaca Ruushka dagaalka ka socda Ukraine, isagoo ku baaqay in dowladaha Afrika ay uga digaan muwaadiniintooda ka qaybgalka dagaal uu ku tilmaamay mid “noloshooda lagu halligayo”.
Sybiha ayaa ku eedeeyay Moscow inay ku khiyaamayso ama ku khasbeyso Afrikaanka inay saxiixaan heshiisyo ciidan oo “u dhigma xukun dil ah”, isaga oo sheegay in “shisheeyaha ku jira ciidamada Ruushka ay wajahaan nasiib darro iyo arin murugo leh, maadaama badankood si degdeg ah loogu diro weerarro ‘is miidaamin ah’ oo ay si fudud ugu dhintaan.”
Wuxuu intaas ku daray in “askartaas aanay badankood noolaan wax ka badan hal bil,” isaga oo sheegay in qaarkood lacag lagu soo jiito halka kuwo kalena lagu qasbo ama laga saxeexo qandaraasyo militari oo been abuur ah.
Digniinta wasiirka ayaa timid iyada oo dowlado Afrikaan ahi ay qireen in qaar ka mid ah muwaadiniintooda ay ku biireen ciidamada Ruushka ee ku jira dagaalka Ukraine.
Dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay Khamiistii, in 17 muwaadin oo u dhashay dalkaas oo ku xayiran gobolka Donbas ee Ukraine ay soo dirsadeen fariimo ay ku codsanayaan gargaar ah in dalkooda dib loogu celiyo, kadib markii ay ku biireen kooxo ciidan oo calooshood u shaqeystayaal ah oo Ruushka u dagaalama.
Ruushka ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu haween Afrikaan ah ku khiyaaneeyo shaqooyin fudud oo been abuur ah oo la xidhiidha warshadaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sida cunto karin, nadiifin iyo howlo kale oo fudud, balse marka ay gaadhaan dalkaas lagu qasbo in ay ka shaqeeyaan goobaha dagaalka ama ay taageero u fidiyaan ciidamada Ruushka.
Xayeysiisyada shaqooyinkan ayaana lagu faafiyay baraha bulshada iyaga oo u muuqda shaqooyin sharci ah oo mushahar fiican leh, balse markay haweenku tagaan halkaas ayaa laga qaadaa, baasaboorada.
Sidoo kale, dowladda Kenya ayaa bishii hore sheegtay in qaar ka mid ah muwaadiniinteeda lagu xidhay xeryo ciidan oo Ruushka ah kadib markii ay si lama filaan ah uga dhex muuqdeen dagaalka.
Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa Jimcihii qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in uu la hadlay Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, si ay uga wada xaajoodaan dhalinyarada Kenyan-ka ah ee sida sharci darroda ah loogu qortay dagaalka Ukraine, waxayna isla garteen in la ga wacyigeliyo khataraha safarrada noocaas ah.
Ruto ayaa intaas ku daray inuu weydiistay Zelenskyy inuu sii daayo muwaadin kasta oo Kenyan ah oo ku jira gacanta ciidamada Ukraine, isagoo sheegay inuu uga mahadcelinayo aqbalidda codsigiisa.
Dowladda Ukraine ayaa sidoo kale hore u sheegtey in ay dad Soomaali ahi ay ku jiraan maxaabiis dagaal oo ay ruushka ka qabateen kuwaas oo la ga yaabo in la gu kaxeeyey balanqaadyo dhoof.

