Turkiga ayaa ku dhawaaqay in uu soo saarey waarranno qabasho oo caalami ah kuwaas oo lagu beegsanayo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo saraakiil kale oo sarsare, iyaga oo lagu eedeeyey “xasuuq iyo dambiyo ka dhan ah bini’aadamnimada” oo Israa’iil ay si joogto ah u fulisay intii uu socdey dagaalkii Qaza tan iyo Oktoobar 2023.
Bayaan ka soo baxay xafiiska xeer-ilaalinta Istanbul ayaana lagu sheegay liiska 37 eedeysane oo ay ku jiraan Wasiirka Difaaca Israa’iil Katz, Wasiirka Ammaanka Qaranka Itamar Ben-Gvir, iyo taliyaha ciidanka General Eyal Zamir. Bayaanku ayaana tusaale u soo qaatay weerarkii 17-kii Oktoobar 2023 ee lagu qaaday isbitaalka al-Ahli Baptist, oo sababay dhimashada 500 qof, burburintii qalab caafimaad oo oo si kas ah ay u sameeyeen ciidanka Israa’iil bishii Febraayo 2024, iyo sidoo kale weerarkii lagu qaaday Isbitaalka Saaxiibtinimada Turkiga iyo Falastiin, oo Turkigu dhisay.
Isra’a’iil ayaa dhankeeda cambaareysay tallaabadan, iyada oo ku tilmaamtay “ololaha sumcad raadinta ee Erdogan”, sida uu ku qoray bartiisa X Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Saar. Dhinaca kale, Xamaas ayaa soo dhawaysay go’aanka Turkiga, iyaga oo ku sheegey “tallaabo sharaf leh oo muujinaysa mowqifka caddaaladda, bini’aadantinimada iyo walaaltinimada leh ee shacabka Turkiga iyo hoggaankoodu u hayaan shacabka reer Falastiin.”
Go’aanka Turkiga ayaa yimid ku dhawaad hal sano kadib markii Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) ay soo saartay warranno qabasho oo ka dhan ah Netanyahu iyo Wasiirkiisii hore ee Difaaca Yoav Gallant, kuwaas oo lagu eedeeyay “dambiyo dagaal”.
Sidoo kale, Turkiga ayaa sannadkii hore ku biiray dacwadda Koonfur Afrika ee ka socota Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah (ICJ), taas oo ka dhan aheyd xasuuqa ay geysatey Isra’iil.

