Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xaqiijisay markii ugu horraysay in diyaarado ka duula garoonka Boosaas ay shixnado geeyaan dalalka Jaad(chad), Nayjar (Niger) iyo Galbeedka Suudaan.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo la hadlayay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay jiritaanka diyaaradahaas iyo duulimaadkooda. Wasiir Fiqi waxaa uu sheegay in waxa ay sidaan u baahan tahay hubin. Hase ahaatee ay duulimaadyadu jiraan.

“Waa ay jiraan, waa qiraynaa, dadka Sooaaliyeed iyo sanatarada hortoodaba, CBB maaha, waxa la buun buuniyana maaha. In diyaarado meeshaas (Boosaaso) ka duula ay Jaad , Nayjar iyo Galbeedka suudaan ay wax geeyaan. Maxay geeyaan oo ay qaadaan? Taasi waxay uu baahantahay in laxaqiijiyo. In caloolshood u shaqaystayaal kolombiyaan laga qaado waxaas oo dhan reports(Warbixino) ayaa qoraya, laakiin anaga xaqiiqo uma hayno taas” Wasiir Fiqi ayaa sidaas Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya u sheegay.

Wasiir Fiqi waxaa oo kale oo uu Sheegay inaan Dowladda Soomaaliya aysan wada maamulin garoomada dalka, isagoo ku booriyay xildhibaannada laga soo doorto Puntland inay xaqiijiyaan waxa diyaaradahaas ay sidaan, sidoo kale ay diidaan in dalkooda Suudaan laga weeraro.

Waa markii ugu horraysay oo Dowladda Federaalka ah ka hadasho wararka dhawaan aadka u faafayey ee la xiriira in Boosaaso noqotay marin looga duulo dalka Suudaan, ayna isticmaasho Imaaraadka oo halkaas ciidan iyo saadba u mariso kooxda RSF ee fallaagaada ku ah Dowladda dalka Suudaan.

Maamulka Puntland oo si wayn loogu eedeeyo ku lug lahaanshaha dagaalka Suudaan ayaa markan looga fadhiyaa jawaab ku aaddan xaqiijinta Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ee ah in Boosaaso diyaarada ka duulaa ay qayb ka yihiin dagaalka Suudaan.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More