Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in dalka Sudan uu hadda wajahayo dhibaato bini’aadanimo tii ugu ugu xumayd, isla markaana uu halkaas ka socdo xasuuq ba’an. Waxay tilmaantay in tobanaan kun oo qof ay dagaallada ku dhinteen, halka in ka badan 12 milyan oo qof ay guryahoodii ka barakaceen.
Ilhaan Cumar ayaa si gaar ah uga hadashay xaaladda magaalada El-Fasher, taas oo dhowaan ay ciidamada RSF ku qabsadeen dagaal dhiig badan ku daatay. Waxay sheegtay in sawirradii halkaas laga soo qaaday ay yihiin kuwo “argagax leh” oo muujinaya xadgudubyo culus oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
Waxay sidoo kale ku baaqday in Imaaradka Carabta (UAE) iyo cid kasta oo hub ku taageerta RSF iyo maleeshiyaadka la safan lagu qaado tallaabo adag, si loo mas’uuliyo kaalinta ay ku leeyihiin fidinta dagaalka iyo xasuuqa dadka rayidka ah ee Sudan.

