Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Doorashada Duqa/Mayor-ka magaalada Minneapolis ee 4-ta bishan dhacaysa ayaa isu bedeshay tijaabo muhiim ah oo lagu qiimeynayo jihada siyaasadeed ee magaalada iyo awoodda soo koraysa ee bulshooyinka Muslimiinta iyo Soomaalida.

Omar Fateh, senatarka dhalinyarada ah ee asal Soomaaliga ah ayaa noqday magaca ugu hadal haynta badan ee ololaha 2025, isagoo loolan adag kula jira duqa magaalada hadda jooga, Jacob Frey. Tartankan wuxuu ka dhigay Minneapolis meel laga arkayo isbeddel ballaaran oo ku saabsan awoodda bulshada, dhaqaalaha, iyo siyaasadda.

Omar Fateh waa qof ka yimid bulsho ku cusub dalka Maraykanka—Soomaali– oo siyaasadda Minneapolis hadda si firfircoon u gashay.
Wuxuu ku dhashay Washington D.C. sanadkii 1990, isagoo ah wiil ay dhaleen waalidiin Soomaali ah oo qaxooti ahaan u yimid Mareykanka. Aabihii ayaa la sheegaa in Maraykanka tagay sannadkii 1963, kaddib markii uu helay waxbarashada Injineeriyada madaniga ah.

Omar Wuxuu wax ku bartay George Mason University, halkaas oo uu ka qaatay shahaadada labaad ee maamulka adeega guud “Master of Public Administration”, wuxuuna ku shaqayn jiray maamulka iyo la-talinta bulshada ka hor inta uusan siyaasadda galin.

Fateh wuxuu sanadkii 2020 si lama filaan ah uga guuleystay xildhibaan caan ah oo hore ugu fadhiyay kursiga Senate-ka Minnesota. Guushiisaasi waxay calaamad u noqotay in dhalinyarada iyo bulshada Muslimiinta ay awood u yeesheen inay saameyn toos ah ku yeeshaan siyaasadda gobolka.

Fateh waa siyaasi u janjeedha garabka bidix ee xisbiga DFL (Democratic–Farmer–Labor Party), waxayna siyaasad ahaan isku dhow yihiin ururrada horusocdka ah “progressive” sida Democratic Socialists of America (DSA).

Ajandihiisa ugu waa weyn waxaa ka mid ah:

Guryo la awoodi karo iyo qiimo dhimis kirada magaalada, kor u qaadista mushaharka yar ee shaqaalaha. horumarinta adeegyada bulshada, caafimaadka, iyo waxbarashada iyo dib-u-habeynta amniga si bulshada iyo booliisku u wada shaqeeyaan.

Aragtidiisa siyaasadeed ayaa la jaanqaadaysa isbeddelka jiilka cusub ee doonaya dowlad hufan, daahfuran, iyo adeeg bulsho oo xooggan. Taasi waa sababta uu taageero xooggan uga helay dhalinyarada, ardayda, iyo dadka ku fikirka ah ee progressive-ka.

Codadka Muslimiinta iyo Soomaalida
Bulshada Soomaalida ee Minneapolis waa midda ugu weyn ee qaxooti Soomaali ah ee Waqooyiga Ameerika, qiyaasaha la hayo (Xogta Census iyo warbixinada rasmiga ahi) waxay muujinayaan in Hennepin County (oo Minneapolis ku jirto) uu ay ku nool yihiin tiro Soomaali ah oo loogu qiyaasay ~38,588 qof (2020 DHC / Census detailed counts). Gobolka Minnesota guud ahaantii waxaa ku nool kumanaan Soomaali ah (qiyaasaha guud ee kala duwan waxay tilmaamaan in Minnesota ay ku nool yihiin 60k+ ilaa 80k oo Soomaali ah).

Qiyaasta Muslimiinta (Twin Cities / Minneapolis metro): Tirakoob sax ah oo la isku raacsan yahay ma jiro, balse qiyaaso kala duwan (ilaha cilmiyeed iyo falanqaynta gobolka) ayaa muujinaya qiyaas u dhexeysa 70,000–80,000 Muslim guud ahaan, iyadoo Minneapolis metro ay tahay meel ka mid ah xarumaha Muslimiinta Mareykanka.

Saamayn ahaan, Soomaalida waxay noqon karaan koox cod xooggan leh — gaar ahaan xaafadaha ay ku badan yihiin, haddana doorashadu waa mid qof walba ka dhex muuqda (ranked choice). Laakiin, ma jiraan caddeyn muujinaysa in dhammaan Soomaalidu ay hal jiho isku raaci doonaan, markaa saameyntooda doorashadu waa mid shaki leh oo ku xiran codbixinta(Turnout).

Ninka ka soo horjeeda iyo waxa uu haysto (main opponent & assets)
Musharaxa ugu weyn ee uu la tartamayo waa Jacob Frey, duqa hadda xilka haya.
Frey wuxuu leeyahay laba awoodood oo muhiim ah:
1- Magac iyo aqoonsi hore (incumbency advantage)
2- Awood dhaqaale oo weyn — sida lagu sheegay warbixinaha ololaha, Frey wuxuu urursaday lacag kor u dhaaftay $600,000, halka Fateh uu helay ku dhowaad $200,000.
Sidoo kale, Frey wuxuu haystaa taageero ballaaran oo ka imaanaysa ururrada shaqaalaha, ganacsatada, iyo siyaasiyiinta dhexe ee xisbiga DFL, oo uu ku jiro Guddoomiyaha Gobolka Tim Walz.
Tiro-koobyada iyo xogaha la hayo ee muhiimka ah (fact & figures)

1- Taageero xisbi / endorsement:

Fateh hore waxa uu ugu guuleystay taageerada Xisbiga Dimuqraadiga heer gobol “Minneapolis DFL (convention)”, hase yeeshee taasi waa la joojiyay kaddib cabasho iyo baaritaan ku saabsan habka codbixinta ee shirweynaha; arrintaas ayaa abuurtay xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa garabyada gudaha DFL. (DFL revocation).

2- Lacag uruurin / awood dhaqaale:

Warbixinada ololaha waxay muujinayaan in Frey iyo kooxihiisu ay haystaan faa’iido lacageed — warbixinno dhowaan la daabacay ayaa tilmaamay in dhaqaalaha ay PAC iyo kooxdiisa ololuhu usoo qaaraameen uu kabadan yahay tan Fateh loo aruuriyay ilaa saddax lab. Tani waxay tahay xaqiiq muhiim ah oo saamayn karta awoodda xayeysiinta iyo gaadhista codbixiyayaasha.

3- Polling (qiyaas guud ee doorashada):

xog uruurinno dhowr ah (oo aan wali ahayn kuwo qaran) waxay muujinayaan tartan aad la isugu dhaw yahay— qaar ka mid ah qiyaasuhu waxay muujinayaan Frey 34% vs Fateh 29% (iyo codad aan go’aan laga gaarin oo badan).

Taas micnaheedu waa in doorashadu weli furan tahay, gaar ahaan nidaamka ranked-choice ee Minneapolis

Isbeddel ama Joogitaan?

Doorashada Minneapolis 2025 waa tijaabo u dhaxaysa laba jiho:
midda hore oo ah siyaasadda duqa Frey oo diiradda saaraysa xasilooni iyo horumar ganacsi, iyo midda labaad ee isbeddel cusub oo uu hoggaaminayo Omar Fateh oo doonaya sinnaan bulsho iyo awoodsiinta dadka laga tirada badan yahay.

Fateh waxa uu matalayaa jiil cusub oo siyaasiyiin ah oo asal ahaan ka yimid bulshooyinka Muslimiinta iyo qaxootiga, kuwaas oo doonaya inay ka mid noqdaan go’aamiyaayaasha siyaasadeed ee magaalooyinka ay ku nool yihiin.
In kasta oo uu Fateh weli la tacaalayo dhaqaale iyo nidaam siyaasadeed oo lid ku ah, haddana ololihiisu wuxuu muujinayaa hal xaqiiqo weyn oo ah codka Soomaalida iyo Muslimiinta Minneapolis waa awood cusub oo aan la iska indho tiri karin.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More