Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Doorashooyinka madaxtooyada iyo baarlamaanka ee dalka Tansaaniya ayaa loo dareerey saaka iyada oo aanu ka qaybgalin xisbiga mucaaradka ugu weyn, ee CHADEMA, kaas oo hoggaamiyihiisa Tundu Lissu uu wajahayo dacwad la xidhiidha khiyaano qaran, iyo eedo la mid ah. Guddiga doorashooyinka ayaana xisbiga CHADEMA ka mamnuucay doorashada bishii Abriil, kadib markii uu diiday inuu saxeexo xeerka anshaxa doorashada.

Sidoo kale, guddigu ayaa Luhaga Mpina, oo ahaa musharraxii xisbiga labaad ee mucaaradka ACT-Wazalendo, ka saaray tartanka, kadib cabasho uu gudbiyay xeer-ilaaliyaha guud ee dalka. Arrintan ayaana keentey in kaliya musharrixiin ka socda xisbiyo yaryar ay la tartamaan Madaxweyne Samia.

In ka badan 37 milyan oo codbixiyeyaal diiwaangashan ayaa la filayaa inay codeeyaan laga bilaabo 7 subaxnimo waqtiga maxalliga ah ilaa 4 galabnimo. Iyada oo Guddiga doorashooyinka ku dhawaaqi doonaan natiijooyinka mudo saddex maalmood gudahood ah marka la dhammeeyo codbixinta.

Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan, oo 65 jir ah, ayaa la filayaa inay ku guuleysato doorashada kadib markii musharrixiinta labada xisbi mucaarad ee ugu waaweyn laga mamnuucay inay ka qayb galaan doorashada.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More