Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Wariye iyo falanqeeye siyaasadeed oo British ah, Sami Hamdi, ayaa lagu xidhay garoonka diyaaradaha ee San Francisco, kadib markii hay’adda socdaalka Mareykanka (ICE) ay joojisay fiisihii uu ku joogay dalkaas.

Ururka xuquuqda Muslimiinta Maraykanka ee CAIR ayaana xadhiggan ku tilmaamay “afduub siyaasadeed” iyo “tallaabo si toos ah u weerareysa xorriyadda hadalka,” iyaga oo eedayn u jeediyay maamulka Trump oo la sheegay in uu Hamdi ku bartilmaameedsaday dhaliil uu u jeediyay Israa’iil iyo taageerada Mareykanka ee dagaalka Gaza.

Mas’uuliyiinta ICE ayaa dhankooda sheegay in xadhiggu uu la xidhiidho arrimo ku saabsan socdaalka, hase yeeshee faahfaahin dheeraad ah kama aysan bixin go’aanka lagu joojiyay fiisaha.

Hamdi, oo caan ku ah barnaamijyo iyo falanqeyn ku saabsan siyaasadda Bariga Dhexe, ayaana safar shaqo ku joogay Mareykanka markii la qabtay.

Kiiskan ayaana dhalinaya dood xoogan oo ku saabsan xorriyadda hadalka iyo cadaaladda socdaalka ee Mareykanka.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More