Hay’adda Xasaradaha Caalamiga ah ee International Crisis Group (ICG) ayaa warbixin cusub ku sheegtay in Mareykanku door muhiim ah ka ciyaari karo xasillinta Soomaaliya, balse taasi ay suurtagal noqon karto haddii uu cadaadis saaro madaxda siyaasadda dalka si ay u galaan wada hadal dhab ah oo daacad ah, kaas oo lagu soo afjaro is qabqabsiga siyaasadeed ee daba dheeraaday ee Soomaaliya ragaadiyay.
Crisis Group ayaa tiri: “Mareykanku waa inuu ku riixaa siyaasiyiinta Soomaalida wada-hadal daacad ah oo lagu soo afjaro is qabsiga siyaasadeed ee daba dheeraaday ee dalka ragaadiyay.”
Warbixinta ayaa tilmaamaysa in is haysiga siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada iyo mucaaradka uu yahay caqabadda ugu weyn ee hor taagan dhismaha dowladnimo iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana uu khatar ku yahay xasilloonida guud ee Geeska Afrika.
ICG waxay ku talisay in tallaabada ugu horreysa ay tahay in la gaaro heshiis doorasho oo dhex mara Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada iyo mucaaradka, si looga fogaado isku dhac siyaasadeed. Heshiiskan waxaa lagu xallinayaa arrimo ay ka mid yihiin qaabka doorashada, jadwalka rasmiga ah, iyo dammaanad qaadidda in aan dib-udhac ku imaan nidaamka dimuqraadiyadda. Hay’addu waxay xustay in ka qaybgal heer sare ah oo ka yimaada Washington oo ay ku jiraan wicitaanno iyo cadaadis toos ah oo saraakiil Mareykanka ah ay la yeeshaan dhiggooda Soomaaliyeed uu abuuri karo culays siyaasadeed oo lagu qasbi karo dhinacyada Soomaalida inay heshiis siyaasadeed ka gaaraan arrimaha doorashada.
Warbixintu waxay sidoo kale xustay in mid ka mid ah caqabadaha ugu adag ee Soomaaliya haysta uu yahay khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada ee ku saabsan qaybsiga awoodda iyo kheyraadka.
Sida ay Crisis Group sheegtay, Dowladda Federaalka ayaa looga baahanyahay inay ku qanciso Puntland oo ah dowlad-goboleedka ugu miisaanka culus iney dib ugu soo laabato wadahadalladii federaalka, halka Mareykankuna uu noqon karo dhexdhexaadiye muhiim ah maadaama uu xiriir amni iyo taageero dhaqaale oo ballaaran la leeyahay labada dhinac.
Crisis Group waxay soo jeedisay in Maraykanku uu u isticmaalo saameyntiisa siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed si ay dib ugu soo celiso dhinacyada miiska wada-hadalka, iyadoo muhimad la siinayo in midnimada siyaasadeed oo ay lagama maarmaan u tahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo xasilloonida guud ee dalka.

