Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la kulmi doona dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping inta uu socdo Shirweynaha Dhaqaalaha ee Asia Pacific (APEC) oo ka dhacaya 31 Oktoobar ilaa 1 Nofeembar magaalada Gyeongju ee Koonfur Kuuriya, sida uu xaqiijiyay Xafiiska Warfaafinta Aqalka Cad.
Kulanka labada hoggaamiye ayaa muddo toddobaadyo ah la qorsheynayay, balse waxaa mugdi geliyay xiisadda dib u curatey ee u dhaxaysa ganacsiga labada dal.
Kulankan ayaana noqon doonaa midkii ugu horeeyey ee fool-ka-foolka ee dhex mara labada madaxweyne tan iyo intii Trump dib ugu laabtay xafiiska.
Waxaa xusid mudan in madaxweyne Trump uu ku hanjabay inuu 100% cashuur kordhin dheeraad ah saari doono badeecadaha Shiinaha laga bilaabo bisha Nofeembar haddii Beijing aysan dib uga noqon xayiraadaha ay ku adkaysay dhoofinta macdanta dhifka ah ee loo isticmaalo warshadaha casriga ah.
Trump ayaa hore u sheegay in kulankaasi uu ku filan yahay in laga wada hadlo su’aalaha iyo fursadaha iskaashi ee u dhaxeeya labada dal. Wuxuuna intaas ku daray, “Waxaan filayaa inaanu is afgaran doono. Xidhiidh wanaagsan ayaanu leenahay, laakiin kulankan waa mid weyn.”
Trump ayaa sidoo kale sheegay in wadahadal toos ah oo lala yeesho Xi ay tahay habka ugu waxtarka badan ee lagu xallin karo xiisadaha joogtada ah ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Shiinaha, sida canshuuraha, khilaafaadka ganacsiga, ka ganacsiga sharcidarada ah ee maandooriyaha fentanyl, iyo arrimo kale.
Inkasta oo bishii May, labada dal ay gaadheen heshiis ku meel gaadh ah oo xakameynaya tallaabooyinka dhaqaale ee halista ah, hadana, bishan Oktoobar, ayaa mar kale ay xiisad hor lihi aloosantey kadib markii Shiinuhu uu adkeeyey siyaadada dhoofinta macdanta dhifka ah ee loo isticmaalo warshadaha taas oo Maraykanku si weyn u gu tiirsanaa, talaabadaas ayaana keentay in Trump uu ku hanjabo canshuur kordhin 100% ah oo dheeraad ah. Trump ayaana baraha bulshada ku dhaleeceeyey Beijing, isaga oo ku eedeeyey inay isku dayayaan inay adduunka “xidhaan” isla markaana ku sheegay Shiinaha “mid si cadoowad leh u dhaqmaya”.
Si kastaba ha ahaatee Shiinaha ayaa kaalin weyn ka ciyaara soo saarista macdanta dhifka ah iyo walxo kale oo muhiim ah, kuwaasoo qayb weyn ka ah sameynta gawaadhida, taleefannada casriga ah, iyo badeecooyin kale oo badan.
Inta uu ku sugan yahay Koonfur Kuuriya, Trump wuxuu sidoo kale la kulmi doonaa hoggaamiyaha dalka Lee Jae Myung, isaga oo ka qayb geli doona casho shaqo oo loogu talagalay madaxda halkaas ku sugan.
Trump ayaana sidoo kale inta uu ku guda jiro safarkiisa Asia bookhaso ku tagi doonaa Malaysia si uu uga qayb galo shirweynaha Asean, islamarkaasna waxa uu kulan la yeelan doonaa hoggaamiyeyaasha Malaysia, Koonfur Kuuriya, iyo Japan, oo ay ku jirto Ra’iisul Wasaare cusub Sanae Takaichi.

