Shirweynaha nabadda ayaa maanta si rasmi ah uga furmaya magaalada Ceerigaabo, xarunta gobolka Sanaag, iyada oo la filayo in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, uu maanta gaadho magaaladaas.
Shirka oo socon doona laba maalmood ayaa sida uu sheegey wasiirka arimaha dibada Somaliland waxaa ka qaybgalaya Madaxweynaha Somaliland, iyada oo xoogga lagu saari doono sidii loo xallin lahaa arrimaha colaadeed ee ka jiray gobolka iyo shaqaaqooyinkii dhacday dhammaadkii sannadkii hore, isla markaana waxaa la gu dhammeystirayaa hawlihii nabadaynta ee maalmihii la soo dhaafay halkaas ka socday.
Madaxweyne Cirro, oo safarkiisii ugu horreeyay ku tegaya Ceerigaabo tan iyo markii uu xilka qabtay, ayaa shirka furaya. Sidoo kale, waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu magaalada soo gaadho Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali Shire, kaas oo ka mid ah madaxda dhaqanka ee ka qaybqaadanaya dadaallada nabadeed ee Ceerigaabo.

