Afgaanistaan iyo Pakistan ayaa ku heshiiay xabbad-joojin degdeg ah kadib wada-hadallo ka dhacay magaalada Doha oo ay garwadeen ka ahaayeen dowladaha Qatat iyo Turkey.
Heshiiskan xabad joojinta ah ayaa soo afjaraya toddobaad dagaal culus oo ka dhacay xadka labada dal, kaas oo ahaa dagaalkii ugu xumayd ee ka dhex qarxa labada dal ee deriska ah ee dhaca Koonfurta Aasiya tan iyo markii Taalibaan ay la wareegtay awoodda Kabul sanadkii 2021.
Wasiirka Difaaca ee Pakistan, Khawaja Muhammad Asif, ayaa bartiisa X ku qoray in xabbad-joojintu “si rasmi ah loo dhammeystiray,” isla markaana labada dhinac ay mar kale ku kulmi doonaan Oktoobar 25 magaalada Istanbul si ay uga wada hadlaan xalka kama danbeysta ah ee xiisadda.
Afhayeenka Taalibaan, Zabihullah Mujahid, ayaa war-saxaafadeed ku sheegay in dhinacyadu ay ku heshiiyeen xabbad-joojin dhammaystiran oo macno leh.