Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, oo maalmihii u dambeeyey safar shaqo ugu sugnaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa la filayaa inuu magaalada Hargeysa ku soo laabto afar saac galabnimo ee maanta.

Safarka Madaxweynaha oo horay loogu sheegay mid leh ujeeddooyin diblomaasiyadeed oo miisaan leh, isla markaana lagu xoojinayo xiriirka, iskaashiga iyo danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada dawladood gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo isu-socodka dadka, ayaa ilaa hadda aan wax faahfaahin ah laga bixin natiijada uu ku soo dhammaaday.

Madaxweynaha ayaa habeenimadii xalay kulan casho ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, kaas oo lagu qabtay qasriga madaxtooyada ee Addis Ababa. Inkasta oo aan weli la shaacin faahfaahinta rasmiga ah ee kulankaas, haddana waxaa la sheegayaa inaan wax heshiis ah lagu gaarin. Itoobiya ayaana dhinaceeda aan weli ka hadal wax ku saabsan kulankaas.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More