Tartan-ka xubnaha u sharaxan Xildhibaannada Ururka Baarlamaaanka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa intooda badan banaanka lagaga heshiiyay.
8-kamid ah xubnaha noqonaya Xildhibaannada cusub ee ku metalaya Soomaaliya EAC ayaa si dhib yar oo aan tartan lahayn ku soo baxaya.
Sida aan ogaannay hal kursi ayaa tartan xoogan ka socdaa, waa kursi kamid ah labada boos ee ka imaanaya Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa kursiga la doonaya siyaasi dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Cali Cabdi Nuur, waxaase uu tartan xoogan kala kulmayaa Abuukar Cabdi Cusmaan (Mardaadi) oo ah aqoonyahan iyo siyaasi ruug caddaa ah.
Laba nin ayaa isku deegaan ka soo jeeda, hase ahaate waxaa kala wata Madaxtooyada Soomaaliya iyo Madaxtoooyada Koonfur Galbeed.
Shir kursigan dartiis Villa Soomaaliya uga qabsoomaya ayaa wax heshiis ah laga gaarin. Waxaana soo jeedinta Cabdicasiis Laftagareen diidmo kala horyimid, Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, Raysal Wasaare Xamse iyo inta badan Xildhibaannada iyo Wasiiradda Koonfur Galbeed ku metala Dowladda Federaalka ah, kuwaas oo mucaarad ku ah Hoggaamiyahah Laftagareen.
Tartanka kursigan ayaa loo arkaa inuu bilow u yahay bilow khilaaf labada dhinac dhexmari kari, waxaana soo baxday in Madaxweyne Xasan uu ku saf noqday siyaasiyiinta mucaaridka ku ah Cabdicasiis Laftagareen ee ku jira Ururkiisa JSP oo ay hoggaaminayaan Wasiir Xasan Eeleey iyo Senatorkii hore Xuseen Sheekh Maxamuuud.
kuraasta kale ee Xildhibaannada EAC ayaa iyagu wax loollan ah ka jirin, waxaana ay marayaan tartan habraaca uun lagu saxayo, mid kasta oo kamid ah boosaskan waxaa ku tartamaya dad is ogol oo heshiis ku ah qofka soo baxaya.