Dowladda Swedan ayaa si qarsoodi ah ciidamo Swedish ah ugu dirtay Soomaaliya si ay uga caawiyaan howlgalka Mareykanka ee ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, sida ay shaacisay warbaahinta Expressen.
Ciidamadan waxay ka tirsan yihiin cutub sirdoon oo ka tirsan illaalada Nolosha (Life Guards), waxayna ku takhasuseen xogta bayoolajiga (biometric) iyo baaritaannada dambiyada. Ujeeddadoodu waa inay ka caawiyaan ciidamada Mareykanka ururinta raadadka DNA-da ee laga helo dadka la dilay ama looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururada Argagixisada.
kaddib markii Expressen ay su’aalo ka keentay arrintaas ayaa guddiga difaaca ee Baarlamaanka Sweden (Riksdag) ayaa dowladoodu u sheegtay howlgalka maanta.
Wasiirka Gaashaandhiga ee Sweden Pål Jonson ayaa 7-dii bishan Oktoobar soo gaaray Muqdisho, waxaana uu la kulmay madaxda Soomaalida oo ay ku jiraan kuwa hoggaamiya Wasaaradda Gaashaandhiga ee Soomaaliya.
Lama shaacin xog faahfaahsan oo la xiriirta safarkiisa, waxaase saacada uun soo baxay in dalkiisu ciidan qarsoodi ah ka jooga Soomaaliya.