Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Booliska Ingiriiska ayaa soo bandhiggay xogta shaqsigii maanta fuliyay weerar dhimasho iyo dhaawac dhaliyay oo ka dhacay magaalada Manchester, kaasoo lagu beegsaday goob ay isugu soo baxeen qaar kamid ah bulshada Yahuuda.

Maalintii maanta ah oo weerarki dhacay waa Yom Kippur maalinta ugu barakada badan bulshada Yuhuudda , sida ay sheegtaan.

Sida boolisku sheegeen, ninka weerarka geystay waxaa lagu magacaabaa Jihaad al-Shaami, waana 35 sano jir, haystana dhalashada Ingiriiska isla markaana asal ahaan ka soo jeeda Suuriya.

Weerarka wuxuu ku dilay laba qof, afar kalena waa ku dhaawacay. Ciidamadda amniga ayaa isna ugu danbeyn toogtay.

Boolisku waxay sheegeen in saddex eedeysane oo kale la xiray, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay in ay ku lug lahaayeen weerarka, kuwaasoo kala ah laba ruux oo da’doodu tahay 30-meeyada iyo haweeney 60-meeyo jir ah.

Dhinaca kalena, RW UK ayaa soo gaabiyay booqashadiisii Denmark Ka dib dhacdada, mas’uul u hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Keir Starmer uu si degdeg ah uga dhoofay shirkii European Political Community ee ka dhacayay magaalada Copenhagen, kaas oo ah gole dowladeed oo looga hadlayo arrimaha siyaasadeed iyo istaraatiijiyadeed ee mustaqbalka qaaradda.

Kahor inta uusan diyaaradda raacin, Starmer wuxuu sheegay in ciidamo boolis dheeraad ah la geyn doono meelahan oo kale guud ahaan UK.

Isagoo hadal ka jeedinayay galabta, Starmer wuxuu sheegay in weerarka si gaar ah loogu beegsaday bulshada Yuhuudda.

Wuxuu hadalkiisa ku daray inuu qaaa ku yahay inuu ka adkaado nacaybka sii kordhaya ee loo hayo Yuhuudda (anti-Semitism), isla markaana uu samayn doono “wax walba oo karaankiisa ah” si loo ilaaliyo bulshada Yuhuudda

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More