Waxaa xogo dhawr ah kasoo baxayaan socdaalka Madaxweyen Xasan Sheekh Maxmamuud iyo Mucaaridkii Madashu ku tagayaan magaalada Kismaayo oo xarun u ah Jubaland.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa diyaarinaysa safar Madaxweyne Xasan Sheekh ku tago magaaladaas si loo soo afjaro khilaafka kala dhaxeeye Axmed Madoobe oo waayadan ay u socdeen wadahadal lagu doonayo in lagu heshiiyo.
Wadahadalka xagee ka bilowday?
Sida aan xaqiijinay Madaxtooyada Soomaliya ayaa lahayd hal abuurka inay wadahadal lagasho Axmed Madoobe. Dowladaha deriska la ah Soomaaliya ayaa la marsiiyay dalabka inay labada dhinac wadahadlaan. Dhammaan shuruudihii hordhaca u ahaa dhinacyada ayaa Kismaayo iyo Muqdoshoba laga fuliyay.
Sida aan hore u tabaninay Dowladda Soomaaliya ayaa hoos u dhigtay dhaqdhaqaaqii ay ka waday Gedo, waxaana ay baddashay luuqadii ay u isticmaali jirtay Jubaland iyo Axmed Madoobe. Bishii ugu danbaysay oo ay wadahadaladu xoogaysteen, waxaa dhanka Axmed Madoobe isagna uu sameeyay qodobo kuwaas u dhigma.
Kaddib socdaal ay saraakiil Imaaraad ah ku yimaadeen Soomaaliya, waxaa Madaxweyne Xasan ay ka codsadeen inay laba gal kala shaqeeyeen. Mid waa Suudaan midna waa codka Golaha Ammaanka ee Soomaalia in lagu fuliyo masaaliix Imaaraad. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa u dhiibtay Imaaraadka inuu kasoo afjaro wadashaqayn la’aanta Madoobe iyo xiriir xumada Siciid Deni.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhankeeda bilowday inay fuliso soo jeedimaha Imaaraadka, waxaana si hoose looga saaray Villa Soomaaliya boggeeda FB, booqashadii Taliyaha Sirdoonka Suudan uu ku yimid Muqdisho, waxayna codkeeda Golaha Ammaanka kaga soo horjeesatay Iran. Marakale Soomaaliya ayaa ka shaqaynaysa inaan golaha Ammaanka uusan qaadan go’aan ka dhan ah Abuu Dhabi marka la horkeeno qaraar ay soo gudbisay Suudaan.
Shaqada ugu wayn ee Madaxtooyada Soomaaliya ka doonayso Imaaraadka waa inay ka xalliso Kismaayo iyo Garowe, waa laba shaqo oo Madaxweyne Xasan ahayd inuu dalkiisa ka qabsado.
Sida aan xogta ku helnay, Imaaraadka waxaa uu waqti xoogan geliyay inuu cadaadis saaro Kismaayo, waxaana Axmed Madoobe oggolaaday inuu la kulmo Xasan Sheekh. Goobta kulanka ayaa ah Kismaayo. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya inuu magaaladaas booqdo 15ka bishan. Hase ahaatee Axmed Madoobe ayaa ka cudur daartay. Markale Madaxweynaha ayaa booqanaya Kismaayo sida u qorshaysan dhammaadka bishan.
Maxaa la isku afgartay labada dhinac.
Wadahadalladu waa kuwa heer madaxeed xilligan maraya, waxaana soo dhammaaday isfahamka labada dhinac, qodobada lagu heshiiyay, waxaa kamid ah in la caadiyeeyo xiriirka, la furo safarada magaalooyinka, mashaariicda xanibaada laga qaado iyo in laga laabto tallaabo kasta oo la qaaday kaddib Oktoobar 2024.
Halkan waxaa ku jirta doorashadii Axmed Madoobe oo ahayd bilowga xiisadda iyo in lagalo dagaal gacan ka hadal ah. Madaxweyne Xasan ayaa diyaar u ah in Axmed Madoobe xukunka sii haysto inta uu doono laakiin uu doorashadii uu qabsaday meesha kasaaro, waxaana miiska uu saaran laba soojeedin midka uu Madoobe ku qanci karo; in lasiiyo maamul ku meelgaar ah oo laba sano ah iyo inuu doorashadiisa ka laabto oo joogo xukunka doorasho la’aan. Waa laba kala doorasho oo uu ku adag Axmed Madoobe. Dhanka Kismaayo ayaa wadata inaan laga wadahadli karin xukunka Jubaland oo ay tahay shaqo ay gaar u leeyihiin, dowladuna ay qaadato mas’uuliyadii wixii khaldmay oo ay kujiraan dagaalkii Raaskambooni.
Saraakiil Villa Somaliya ka tirsan ayaa inoo sheegay in Madaxweyne Xasan uu diyaar u yahay inuu waxkasta uu samayn karo ku dhaqaaqayo si uu Axmed Madoobe Madashii burburtay ugu soo celin lahaa iyo si uusan gogol ugu fidin mucaaridka.
Waana khibrad uu kasoo helay Madaxweyne Xasan Sheekh waqtigii uu Mucaaridka ahaa iyo socdaalkiisii Kismaayo Nofeembar 2019, markaas oo ay taageereen doorashadii Jubaland ee Axmed Madoobe lagu caleemasaaray.
Dhanka kale Kismaayo ayaa isku diyaarinaysa qaabilaad Mucaarid, waana sababta keentay culayska Madaxweyne Xasan Sheekh inuu degdeg u gaaro magaaladaas.
Qorshaha Mucaaridka Ee Kismaayo
Mucaaridka Soomaliya ayaa qorshaynaya inay dhawaan u safraan magaalada Kismaayo ee Jubaland, halkaas oo ay u ballansan yihiin inay shirar kula soo qaataan Madaxda maamulkaas oo ugu horreeyo Axmed Maxamed Islaam, hoggaamiyaha Jubaland. Ujeedada safarka oo aan weli si rasmi ah loo shaacin ayaa la fahamsan yahay inuu yahay sidii mucaaridku ay u xoojin lahaayeen kaalintooda, ayna u heli lahaayeen garbo cusub oo si dhab ah ula xanbaara diidmada hab xukunka Madaxweyne Xasan Sheekh.
Mucaaridka ayaa weli haysan ogolaansho ay ku tagaan magaalada Kismaayo, waxaana ku horgudban codsi uu halkaas u dirsaday Madaxweyne Xasan Sheekh oo isaga laftiisu waqti badan gelinaya inuu wadahadal la yeesho Axmed Madoobe.
Si kastaba, qorshayaasha labada dhinac ee ku tartamaya xukunka Soomaaliya ayaa u arka fursad wayn inay Kismaayo dhankooda soo marto, waxaana hubaal ah ciddii gacanta Axmed Madoobe ku hormarta inay qaadanayaan lib hordhac ah.

