Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Shir heer sare ah oo maalinimadii shalay ka dhacay magaalada New York, ka hor kulanka sanadlaha ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (UNGA), ayaa dowlahada France, Andorra, Belgium, Luxembourg, Malta, iyo Monaco ka ga dhawaaqeen in ay si rasmi ah u aqoonsan doonaan dowladnimada Falastiin, maalin uun ka dib markii ay sidoo kale aqoonsadeen Australia, Canada, Portugal, iyo Boqortooyada Ingiriisku. Waddamadan ayaa ku biiraya ku dhawaad 147 dal oo ka mid ah 193-ka dal ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, kuwaas oo horey si rasmi ah u aqoonsaday dawladnimada Falastiin ilaa bishii Abriil ee sanadkan.

In ka badan 80% bulshada caalamka ayaa haatan aqoonsadey dowladnimada Falastiin, waxaana kor u kacaya cadaadiska diblomaasiyadeed ee Isreal iyo xulufadeeda la saarey. Israa’iil ayaa dhinaceeda weli wada weerarro ba’an oo ka dhan ah Gaza, halkaas oo in ka badan 65,300 Falastiiniyiin la gu dilay, isla markaana lagu burburiyey guud ahaanba magaalada Gaza. Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata isa-soo-tarka taageerada caalamiga ah ee loo hayo xuquuqda Falastiin iyo xalka siyaasadeed ee Gaza.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More