Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Madaxda dalalka Turkiga, Qadar, Imaaraadka, Urdun, Sacuudiga iyo Masar ayaa ka qaybgalaya kulan gaar ah oo ay la qaadanayaan Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, maalinimada Talaadada ah.

Kulankan oo ah mid ku yimid doonista Trump ayaa lagaga hadlayaa joojinta dagaalka Qaza ee laba sano jirsanaya bisha danbe.

Sida ay werisay shabakada Axios, Trump ayaa madaxda dalalka uu la kulmayo la wadaagaya Qorshaha Nabadaynta ee Gaza, kaas oo ay ka soo shaqeeyeen kooxdiisa wadahadalka u qaabilsan.

Sida la fahamsan yahay qorshahan ayaa ah in Israa’iil ay ka baxdo gudaha Gaza, isla markaasna maamulka gudaha Gaza lagu wareejiyo gacan sadaxaad oo aan ahayn Xamaas iyo Israa’iil.

Ergayga Trump u qaabilsan wadahadalada ee Steve Witkoff ayaa laga soo xigtay in Hoggaamiyaha Israa’iil B.Netanyahu ogolyahay in xabad joojin la sameeyo, hase ahaatee uusan dagaalku dhammaanayn inta Xamaas joogto Gaza.

Kulan gaar ah oo hordhac u ah kulanka Madaxda dalalkan ayuu Trump la qaatay Raysal Wasaarihii hore ee UK Tonny Blair iyo wiilka uu sodoga u yahay ee Jared Kushner kuwaas oo uu ka warsaday xalka dagaalka Gaza, inkasta oo aan ilaa hada jirin ajande rasmi ah oo la isku raacay, haddana waxaa xoogan in dagaalka Gaza ka socda uu khasbayo in xabad joojin la gaaro.

Kaddib kulanka Talaadada Madaxweyne Trump ayaa gaar u ballansaday Madaxda Khaliijka, waxaana uu kala hadlayaa inuu siiyo damaanad qaad ku saabsan inaan Israa’iil mar danbe weerari doonin dalalkooda. Dalalka Khalijka ayaa caro wayn ka muujiyay qaab dhaqanka Israa’iil kaddib weerarkii Dooxa ee lagu beegsaday Madaxda Xamaas ee halkaas ku ah deegaanka.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More