Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

In kasta oo shuruudaha saxda ah iyo waqtiga heshiiska aan la shaacin, haddana waxaa muuqata in dadaallada lagu doonayo in la helo maalgashadayaal Maraykan ah oo qayb ka noqda TikTok ay horumar samaynayaan.

Rupert iyo Lachlan Murdoch oo ah ganacsato warbaahineed caan ah, iyo Michael Dell oo ah milkiilaha shirkadda tiknoolajiyadda Dell, ayaa la filayaa inay ka mid noqdaan maalgeliyeyaasha Maraykanka ee ku lug yeelan kara heshiis suuragal ah oo la xiriira TikTok, sida uu sheegay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump Axaddii.

Inkasta uu Trump doonayo in Maraykanka uu ka shaqeeyo TikTok, xannibaadii Baarlamaanka dalkaasi saareena uu ka qaaday, haddana weli lama oga, cidda si rasmi ah heshiiska uga qeybgaleysa, qiimaha lagu iibsan doono saamiga Maraykanka, cidda hogaamin doonta shirkadda cusub ee TikTok, iyo waqtiga heshiiska la saxiixi doono, dhammaan arrimahaasi wali lama caddeyn.

Trump oo axaddii waraysi siiyay Fox News, ayaa sheegay in heshiiskan uu dhawyahay, waxaana xafiiskiisa laga soo xigtay in Shiinuhu ogolaadeen inay qayb kamid ah TikTok ka iibiyaan Maraykanka, si uu uga sii shaqeeyo dalkaas.

Si kasta TikTok oo noqotay mid kamid ah Baraha Bulshada ee loogu xiriirka badan yahay caalamka ayaa wajahaysa caqabad sharci oo ka haysata dalka Maraykanka, waana tan keentay in qayb kamid ah saamiyadeedii laga iibiyo Maraykan.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More