Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Danjiraha Mareykanka ee Israel, Mike Huckabee, ayaa sheegay in Washington ay Israel u aragto saaxiibkooda kaliya ee dhabta ah Bariga Dhexe, inkasta oo uu qiray in ay xulufo kale ku leeyihiin gobolka. Waxa uu carrabka ku adkeeyey in Israel ay tahay dal madax-bannaan oo xaq u leh inay go’aanadeeda gaadho, xitaa haddii ay balaadhiso deegaannada galbeedka Gaza ee ay ka qabsatay dhulka Falastiiniyiinta. Hadalkani waxa uu u muuqday mid daba socda qorshe uu 11 September saxeexay Ra’iisul Wasaare Netanyahu, kaas oo ku saabsan balaadhinta deegaannada ay Israel ka haysato dhulka Falastiin.
Huckabee ayaa sidoo kale diiday in dhulkaas loo gu yeedho magaca “West Bank,” isaga oo ku tilmaamay mid aan sax ahayn, isla markaana ku dooday in la isticmaalo magacyada uu ku sheegay kuwo taariikhi ah ee “Judea iyo Samaria.” Waxa uu ku adkeystay in Jerusalem loo aqoonsado caasimadda aan la qaybin karin ee Israel. Sidoo kale, wuxuu sheegay in siyaasadda Mareykanka aysan hadaf ka dhiganayn dhismaha dowlad Falastiini ah. Waxaa xusid mudan in Mareykanku uu ka mid ahaa tobanka dal ee si cad uga hor yimid qaraarkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee lagu taageeray madaxbannaanida Falastiin iyo hirgelinta xal laba-dal ah. arimahaas ayaana mar kale si cad u muujinaya in Mareykanku uu u janjeedho dhinaca Isreal, dhexdhexaadna ka noqon karin dedaalada xal u raadinta Falastiin.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More