Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa 12 September cod aqlabiyad ah ku ansixiyay qaraar xal loogu raadinayo xaalka cakiran ee Falastiin iyo xal laba-dal ah oo u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin. Qaraarkan oo ka koobnaa todoba bog oo faahfaahsan, oo ay soo bandhigeen Faransiiska iyo Sacuudi Carabiya, ayaa ahaa mid ku baaqaya tallaabooyin muuqda isla markaasna leh waqtiyo go’an, si loo gaadho heshiis nabadeed oo waara ah, xal dhaqangal ahna loogu helo khilaafka Isra1l iyo Falastiin. Waxaa xusid mudan in qaraarku uu si cad u dalbanayo in Xamaas, oo haatan maamusha Gaza, ay soo wareejiso dhammaan maxaabiista ay ka hayso Israa’iil, sidoo kalena xukunka iyo hubka ku wareejiso dowlada Falastiin si waafaqsan ujeeddada dowlad Falastiin oo madax-bannaan.
Falastiin ayaa dhankeeda si weyn u soo dhaweeysay qaraarkan, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi ay ku tilmaantay “qorshe wax-ku-ool ah” oo lagu hormarinayo xal laba-dal oo kala madax banaan. Wasaaraddu sidoo kale waxay ku baaqday in la fuliyo dhammaan talaabooyinka lagu joojinayo gumeysiga Isra1l iyo in la xaqiijiyo xuquuqda sharci ee dadka Falastiin. Dhinaca kale, codbixinta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa muujisay taageerada caalamka ee xal u helida xaalada Falastiin, iyada oo 142 dal codkooda ku taageereen qaraarkaas. Waxaa ka soo hor jeestey 10 waddan oo ay ku jiraan Israel iyo Mareykanka, halka 12 dal ay ka aamuseen.
Si kastaba ha ahaatee Israa’iil ayaa si adag uga hor timid qaraarkan. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa muda ka yar 24 saac gudahood waxba kama jiraan ku tilmaamey qaraarka Qaramada midoobay isaga oo mar kale ku adkeystay in aanay marnaba jiri doonin dowlad Falastiin la yidhaahdo, halka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay qaraarka ku tilmaantay “mid ceeb ah” oo ka fog xaqiiqda. Afhayeenka wasaaradda arimaha dibada Israa’iil, Oren Marmorstein, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X ku dhaleeceeyay qaraarku in aanu u aqoonsan Xamaas “urur argagixiso,” isla markaana ku tilmaamay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay “madadaalo siyaasadeed oo ka fog xaqiiqda.”
Dhinaca kale, codbixintan ayaa timid, hal maalin ka dib markii Netanyahu uu saxiixay qorshe uu ku balaadhinayo deegaannada galbeedka marinka Gaza ee ay Isre1l haysato taas oo ah qodob kale oo sii fogeynaya suurtagalnimada dowlad Falastiini ahi ku dhalan karto mustaqbalka. Waxaa kale oo xusid mudan in Israa’iil kor u qaadey duqeymihii ay ka wadey magaaladda Gaza taas oo sababay khasaare bani’aadannimo oo baaxad leh dhismayaal hor leh iyo hanti kalena ku burburtey.
QM oo dooddii ugu waynayd ay taallo.
Dadaallada caalamiga ah ee lagu taageerayo xal laba-dal ah iyo aqoonsiga dowlad Falastiin ayaa si muuqata u sii xoogeysanaya. Shirka Qaramada Midoobay ee la qorsheeyay 22-ka Sebtembar New York, ayaa la filayaa in ay si rasmi ah u aqoonsadaan Falastiin dalal badan oo horey u balanqaaday inay aqoonsan doonaan.
Dalalka Reer Yurub sida Faransiiska, UK, Germany iyo Sacuudi Carabiya, ayaa ka shaqeynaya qorshayaal lagu xaqiijinayo madax-bannaanida Falastiin. Sidoo kale, dalal kale oo Yurub ka tirsan, sida Spain, ayaa qaaday tallaabooyin taageero ah oo ay ku dhiirrigelinayaan in la joojiyo colaadaha, xuquuqda dadka Falastiin la ilaaliyo, isla markaana la hormariyo geeddi-socodka dhismaha dowlad madax-bannaan oo Falastiin ah. Taas oo muujinaysa sida bulshada caalamka ay si cad u garab taagan yihiin xaqa Falastiin iyo ujeeddada lagu gaadhayo xal nabadeed oo caddaalad ku dhisan.
Dhinaca kale, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay weerar Israa’iil ka fulisay Dooxa Qatar, kaasoo lagu dilay shan xubnood oo ka tirsan Xamaas oo u joogay wada hadal ku saabsan heshiis cusub oo ay soo jeedisay dowladda Mareykanku. Weerarkan ayaa lagu tilmaamay mid khatar ku ah dadaallada nabadeed iyo dhexdhexaadinta caalamiga ah, uuna sii kordinayo xiisada gobolka oo ay ka jiraan khataro siyaasadeed iyo kuwa bani’aadminimo.

