Magaceedu waa Ramla Siciid Axmed Cali, waxayse caan ku tahay Ramla Ali, waa gabar Soomaaliyeed oo ku dhalatay Muqdisho, ka hor burburkii Dowladii kacaanku hoggaaminayay sanadkii 1990. Bilowgii nolosheeda waxay la kulantay xaalad adag oo ay sababeen dagaal iyo barakac. Duruufaha adag oo dalkeedu dhaxalsiiyay kama reebin inay noqota qof taariikh samaysa oo magaceeda baal dahab ah ku qorta. Waxayna noqotay feeryahankii ugu horreeyay ee Soomaaliya ku metela Ciyaaraha Olombikada iyo haweeneydii ugu horreysay ee Soomaali ah ee dhanka feerka uga dagaalanta masraxyada caalamiga ah. Sheekadeedu waa mid gaar ah oo dhiirrigelin u ah dhallinyarada Soomaaliyeed iyo qurbajoogta, waxayna tusinaysaa in riyada la gaari karo xitaa haddii ay u muuqato mid aan macquul ahayn.
Ramla Cali waxay ku dhalatay magaalada Muqdisho, xilli dagaalkii sokeeye uu Soomaaliya gilgilayay. Markii ay aad u yareyd, qoyskeedu wuxuu qax ku tagay dalka dibaddiisa si ay uga baxsadaan colaadda. Ugu dambeyntii waxay degeen London, UK, halkaas oo Ramla ku kortay, iskuulka ka gashay, isla markaana la qabsatay nolol cusub oo ka duwan tii ay ka timid.
Feerka waxay u bilowday sidii jimicsi iyo miisaan dhimis, balse macallimiinteedu markiiba waxay ku arkayeen hibo iyo karti ka badan qof caadi ah. Waxaa la ogaaday in ay leedahay xawaare, xoog, iyo xirfad dabiici ah oo ku habboon ciyaarta feerka, taasoo noqotay albaabka ay ku gashay safar ay ku noqotay mid ka mid ah feeryahannada haweenka ee ugu caansan dunida.
Ramla waxay tartamo heer gudaha ah ka billowday England, halkaas oo ay ku guuleysatay dhowr ciyaar oo feerka haweenka ah. Kartideeda iyo guulaha joogtada ah ayaa ka dhigay magac caan ah gudaha UK, waxayna go’aansatay inay Soomaaliya ku matasho heer caalami, si ay dalkii ay ka timid ugu keento sumcad iyo magac wanaagsan.
Sanadkii 2021 (Olombikadii dib u dhacday ee Tokyo), Ramla Cali waxay taariikh ku qortay iyadoo noqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ku metela ciyaaraha feerka Olombikada, haween iyo rag midkoodna aan horay u matalin dhanka feerka. Inkastoo aysan billad qaadan, ka qeybgalkeedu wuxuu ahaa guul weyn oo muujisay in Soomaaliya ay yeelan karto ciyaartoy heer caalami ah.
Kaddib Olombikada, Ramla waxay u gudubtay heerka xirfadda. Waxay ku guuleysatay dhowr dagaal oo caalami ah, waxayna tartanno ku gashay meelo kala duwan sida Mareykanka, Ingiriiska, iyo Bariga Dhexe. 2022 Waxay taariikh cusub sameysay markii ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee xirfad ahaan ku feertanta gudaha Sacuudiga, guulna ka gaartay kulankii ka dhacay Jeddah. 2025 Waxay guul muhiim ah ka gaartay ciyaar ka dhacday New York, taasoo kor u qaaday sumcadeeda caalamiga ah.
Diiwaanka dagaalladeeda xirfadeed wuxuu ka tarjumayaa dadaal joogto ah, iyadoo weli ku jirta safar ay ku gaari karto horyaalka adduunka ee feerka haweenka
Soo Laabashadeedii Muqdisho
Asbuucaan Ramla waxay markii ugu horreysay tan iyo ka cararkii qoyskeeda dagaalkii sokeeye kaddib dib ugu soo laabatay Muqdisho. Imaanshaheeda waxaa loo arkayay dhacdo aad u qurux badan. Garoonka Aadan Cadde waxaa ku soo dhaweeyay madax sare iyo dadweyne badan oo u muujinayay taageero, iyagoo lulayay calanka qaranka.
Dhanka kale, soo laabashadeeda waxay daaha ka qaaday muhiimadda ay leedahay xiriir adag oo u dhexeeya qurbajoogta iyo dalka hooyo. Waxay tusaale u tahay sida dadka ku nool dibadda ay u door ugu yeelan karaan horumarinta ciyaaraha iyo dhallinyarada dalka gudihiisa.
Ugu dambeyntii, waxa la gudboon dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha ciyaaraha in ay Ramla taageeraan oo ay garab istaagaan, si ay u hesho dhiirrigelin iyo fursado kale oo ay ku sii wado safarkeeda ciyaareed. Taageeradaas waxay noqon doontaa mid dhiirrigelin weyn u ah dhallinyarada Soomaaliyeed oo ku dhiirran doona inay ka qeyb qaataan ciyaaraha, isla markaana Soomaaliya ku matalaan heer caalami.

