Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa maanta ka qaybgalay bandhig ciidan oo ballaaran oo ka dhacday bartamaha magaalada Beijing, taasoo lagu xusayay 80-guuradii dhammaadka Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Bandhigaan ayaa ahaa mid taariikhi ah oo lagu soo bandhigay hub aad u casri ah, iyadoo Shiinaha uu si cad u muujiyay awooddiisa sii kordheysa iyo kartidiisa uu ku difaacan karo dalka, isla markaana uu awoodiisa ku fidin karo meel ka baxsan xuduudihiisa.

Markii ugu horreysay, Shiinaha wuxuu soo bandhigay nidaamkiisa saddex-geesoodka ah ee gantaallada nukliyeerka (nuclear triad), kuwaas oo laga ridi karo dhulka, badda iyo cirka. Hubkan ayaa loo arkaa “hubk istaraatiijiga ah” ee Shiinaha oo lagu ilaaliyo madax-bannaanida, qarannimada iyo karaamada dalka. Gantaallada la soo bandhigay waxaa ka mid ahaa Jinglei-1, oo hawada laga tuuro oo masaafad dheer gaari kara; Julang-3, oo lagu rido maraakiibta quusta ee badda hoosteeda socda; iyo Dongfeng-61 (DF-61) iyo Dongfeng-31, oo ah gantaallo dhulka laga rido oo masaafo dheer gaara. Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay Dongfeng-5C waa gantaal ku shaqeeya dareere oo awood u leh inuu hal mar tuuro qaraxyo badan oo kala madax-bannaan, kuwaas oo lagu garaaco bartilmaameedyo kala duwan oo ku yaalla hal aag ama dhowr meelood oo kala fog

Bandhigaan ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay gantaallo hypersonic ah oo gaar ahaan loogu talagalay inay burburiyaan maraakiibta dagaalka ee waaweyn. Gantaalladan waxaa ka mid ahaa Yingji-19, Yingji-17 iyo Yingji-20. Waxaa intaas dheer oo lagu soo bandhigay gantaallo cruise ah oo casri ah, sida Changjian-20A, Yingji-18C iyo Changjian-1000. Sidoo kale, waxaa lagu soo bandhigay hub hypersonic oo leh awood dagaal oo cimilo kasta lagu adeegsado, kuwaas oo ka mid yihiin Yingji-21, Dongfeng-17 iyo Dongfeng-26D.

Dhinaca kale, Shiinaha ayaa soo bandhigay hubka laser-ka ee uu u horumarinayay in la isaga difaaca weerarrada drones-ka. Waxaa halkaas lagu soo bandhigay nidaam dhameystiran oo ka kooban qoryaha gantaalka tuura (missile guns), hub laser oo tamar sare leh iyo hub microwave awood sare leh, kuwaas oo warbaahinta dowladda ay ku tilmaantay inay yihiin kuwo si wadajir ah ushaqaynaya oo ku saabsan difaaca ka dhanka ah drones-ka.

Shiinaha sidoo kale wuxuu soo bandhigay diyaarado aan duuliye lahayn (drones) oo casri ah oo ku shaqeyn kara biyo hoostooda iyo cirka. Drones-kan ayaa leh awood ay ku qabtaan hawlo badan oo muhiim ah, oo ay ku jiraan sirdoon iyo kormeer iyo sidoo kale weerarro toos ah oo bartilmaameedyo lagu garaaco (strike missions). Waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay helikobtaro aan duuliye lahayn oo loo qaabeeyay inay ka duulaan maraakiibta dagaalka, taasoo siinaysa ciidamada badda ee Shiinaha awood cusub oo xagga weerarrada iyo difaaca ah.

Bandhiggan ayaa fariin cad u diraya caalamka, gaar ahaan dalalka reer galbeedka, in Shiinaha uu si buuxda u diyaariyay awood ciidan oo ka kooban dhul, bad iyo cir, taas oo u saamaxaysa inuu difaaco danihiisa iyo xuduudihiisa, isla markaana uu sii ballaariyo saameyntiisa militari meelo fog oo caalamka ah. Bandhigaan ayaa sidoo kale ahaa xasuusin muujinaysa in Shiinaha uu hadda ka mid yahay quwadaha militari ee ugu awoodda badan dunida, taasoo sare u qaadaysa xiisadaha siyaasadeed iyo militari ee caalamka.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More