Waxaa maalmihii lasoo dhaafay isa soo tarayay hadal heynta ku saabsan in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka shaqeynayso qorshe cusub oo lagu dhisi karo maamul Jubaland ah oo ka hanaqaada magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo. Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubaland ee xaruntiisu tahay magaalada Kismaayo, kaas oo uu hoggaamiyo Axmed Maxamad Islaam. Inkasta oo aan si rasmi ah loo guda galin qorshahaan, haddana xogaha iyo xaaladda siyaasadeed ee ka jirta gobolka Gedo ayaa muujin kara suuragalnimada tallaabadan.
Saameynta Dowladda Federaalka ee Gedo
Bilihii ugu dambeeyay, Dowladda Soomaaliya ayaa awood ciidan iyo mid siyaasadeed ku yeelatay degmooyin badan oo gobolka Gedo ah, taas oo hoos u dhigtay saamaynta maamulka Jubaland ee halkaas ka jiray. Ciidamo Federaalka ah ayaa gacanta ku haya inta badan degmooyinka gobolka, halka maamulka Jubaland uu gacanta ku hayo Degmooyinka Dooloow iyo Ceelwaaq. Tani waxay u sahlaysaa Dowladda Federaalka ah inay tixgeliso qorshe maamul cusub oo ay ka dhisto Garbahaarey, taas oo siyaasiyan u noqon karta guul muhiim ah xilli ay u muuqato inay doonayso inay saamayn ku yeelato maamulka Jubaland.
Caqabadaha Horyaalla
Inkastoo qorshahani u muuqdo mid la isku dayi karo, haddana waxaa jira caqabado culus oo barbar socda.
Mucaaradka Muqdisho iyo Puntland oo kasoo horjeeda
Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed iyo siyaasiyiin kale oo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ayaa durba si weyn uga horyimid fikradda in la beddelo ama la dhiso maamul cusub oo Jubaland ah. Mucaaradku waxay u arkaan qorshahan mid siyaasadeed oo aan sharciyad buuxda lahayn. Sidoo kale Maamulka Puntland oo ah maamulka ugu culus maamullada kujira Federaalka Soomaaliya ayaa arintaan si weyn uga so horjeeda, ayadoo ay xusid mudantahay Puntland in ay sidoo kale si adag uga soo horjeeda dhismaha Maamulka Waqooyi Bari oo ay Dawladda Federaalka ah aqoonsatay.
Muddo-xileedka Madaxda Federaalka
Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waqti kooban uga haray xilheyntiisa. Muddo bilo ah oo kaliya ayaa ka dhiman, waxaana adag in muddo gaaban lagu hirgeliyo maamul cusub oo dhisan, sharciyadna ka hela dhammaan dhinacyada iyo Beesha Caalamka.
Faragelinta Dibadda
Dowladaha deriska ah qaarkood, gaar ahaan Itoobiya, ayaa taageero muuqata siisay hoggaamiyaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe). Waxaa xusid mudan dhacdadii Doolow, halkaas oo ciidamo Itoobiyaan ah ay weerar ku qaadeen xero Ciidanka Soomaaliyeed ay halkaa ku lahaayeen, taas oo muujinaysa in Itoobiya aysan dhex ka ahayn loolanka Jubbaland kajira.
Itoobiya waxay joogis ciidan ku leedahay ilaa shan degmo oo Gedo ah oo ay kujirto Caasimadda Gobolka Gedo ee Garbahaareey. Tani waa caqabad weyn oo aan la iska indho tiri karin, hadii aysan Dawladda Federaalka xal uhelin kahor ku dhawaaqista maamulka cusub.
Fursadaha Dowladda Federaalka
Inkasta oo caqabado ay jiraan, haddana dowladda federaalka waxay leedahay fursado muhiim ah oo ay isugu dayi karto qorshahan.
Tabashooyinka Reer Gedo
Qaybo badan oo ka mid ah shacabka gobolka Gedo ayaa qaba tabasho ka dhan ah maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe. Tabashooyinka ka jira qaybo kamid ah Jubbaland waxay ka dhigantahay in Dawladda Federaalka ah ay u tahay faa’iido.
Saamaynta Dawladda Federaalka
Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa gacanta ku haya ilaa afar degmo oo jubbaland ah, gaar ahaan Gedo. Taasi waxay Dawladda u sahli kartaa fulinta qorshe ay ka yeelato Jubbaland. Waxaa gobolka lagu daad gureeyay ciidamo dheeraad ah, waxaana Villa Soomaaliya ay abaabul badan galisay siyaasiyiinta deegaanka oo intooda badan aqbalsan maamul dhiska ay Dowladdu ka fulinayso gobolka.
Gunaanad
Inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin, haddana suuragalnimada in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka dhisto magaalada Garbahaarey maamul cusub oo Jubaland ah ayaa ah arrin la hadal hayo. Qorshahan wuxuu u muuqdaa mid ay Dowladda Federaalka ku raadinayso saameyn siyaasadeed oo ka dhan ah maamulka Jubaland ee Kismaayo fadhigiisu yahay.
Si kastaba ha ahaatee, caqabadaha horyaalla ayaa ah kuwo culus; mucaarad xooggan oo gudaha ah, faragelin dibadeed iyo waqtiga dowladda oo gabaabsi ah.
Dhanka kale, fursadaha jira ayaa ah kuwo muhiim ah, gaar ahaan taageerada bulshada Gobolka Gedo iyo awoodda ciidanka Dowladda Federaalka ee halkaas ku sugan. Haddii qorshahani si dhab ah loo hirgeliyo, wuxuu noqon doonaa mid saameyn weyn ku yeesha siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan xiriirka Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, isla markaana wuxuu furi karaa bog cusub oo ku saabsan khilaafka siyaasadeed ee Jubaland.