Ololaha doorashada Madaxweynaha iyo Ku Xigeenka ee Maamulka Waqooyi Bari ayaa gashay saacadihii u dambeeyay iyadoo murashixiintu ay isku garbinayaan kasbashada codadka xildhibaannada.
Bandow ayaa lagu soo rogay magaalada wixii ka dambeeya 2-da habeennimo. Markii hore wuxuu ahaa qorshuhu in saqda dhexe la hakiyo isu socodka gaadiidka iyo dadkaba. Tallaabadan ayaan loo qaaday in amniga la adkeeyo.
Dhanka kale, dhammaan goobaha lagu caweeyo sida maqaaxiyaha iyo hoteellada ayaa aad loo soo buuxsamay, waxaana laga dareemayaa jawi olole oo kulul balse biseyl iyo kala jiidasho ay ka muuqato.
Murashixiinta tartamaya markii aan mid mid ula sheekeysannay waxaa la isku raacsan yahay in Cabdulqaadir Axmed Aw Cali oo ah hoggaamiyhii kumeelka ahaa ee SSC-Khaatumo inuu si fudud wareegga labaad ugu gudbi karo. Hase yeeshee, waxaa sidoo kale loolanka ku jira afar murashax oo mucaarad ku ah ololahiisa dib u doorashada.
Dadaallo ay siyaasiyiin iyo isimo dhaqan ay ka dhex wadeen dhinaca isbahaysiga la baxay isbadaldoonka ayaa is afgarad laga gaaray, laakiin wali waxaan bixin kala shakigii murashaxiinta kasoo horjeedda Firdhiye ee ka dhashay doorashadii Guddoomiyaha Golaha Wakiilada.
Murashaxa kale ee saameynta leh waa Maxamuud Yuusuf Gureey oo hore lagu tuhmayay inuu doonayo xilka Madaxweyne Ku Xigeenka. Warar aan helnay waxay tilmaamayaan in wadahadallo ay isla wadeen Jamaal Maxamed Xasan oo ahaa in ay labada xil isku taageeraan ayaa dhaqan gali waayay.
Taniyo intii uu isdiiwaangeliyay Maxamuud Gureey, waxa soo kordhaya saameyntiisa, wuxuuna ku tashanayaa codadka Buuhoodle iyo Hawd. Waxaa muuqata inuusan ahayn Murashax ka dhayalsan karo fursadiisa.
Jamaal Maxamed Xasan oo kasoo jeeda Gobolka Sanaag ayaa sameeyay olole ballaaran oo si wacan magaalada uga muuqda, waxaana geedfadhi u ah siyaasiyiin culus.
Hase yeeshee, laba dagaal ayaa ku furan; midi waa inuu xajisto xildhibaannada Sanaag oo uu dhinac kale uu jiidanayo Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo doonaya xilka Madaxweyne Ku Xigeenka. Tan labaad, waa dagaalka wayn ee uu la galayo Cabdulqaadir Firdhiye. Haddii uu Jamaal ku guuleysto haysashada codadka lagu tuhmayo ee Sanaag, uuna usoo gudbo wareegga labaad wuxuu haystaa fursad fiican.
Cabdirisaaq Khaliif Axmed wuxuu Laasacanood soo gaadhay dhammaadkii Juun ee sanadan, xilligaas oo uu kaga dhawaaqay inuu xilkan u taagan yahay. Balse, waxaa xilligaas iyo wixii ka dambeeyay lagu qaaday olole warbaahin oo ballaaran. Labadii maalmood ee u dambeysay, waxaa soo xoogaystay hadalhayntiisa, waxaana jira isimo dhaqan oo ku daaban ololahiisa oo saameyn ku leh qabaa’ilka Sool, Buuhoodle iyo Hawd.
Xagasha kale ee uu ka xoogaystay ololaha Cabdirisaaq ayaa ah qaar kamid ah ganacsatada deegaanka ee ku abtirsada ururka Al Ictisaam oo saacadihii lasoo dhaafay bannaanka usoo baxay, inkastoo qeyb ay wali ku dambayso daaradda Firdhiye.
Sidoo kale, murashaxan oo caawa sii daayay qoraal uu ku qeexayo aragtidiisa siyaasadeed ayaad moodaa inuu doonayo inuu sii joogteeyo siyaasadda hoggaanka haatan ee deegaanka ee la macaamilka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Murashada shanaad waa Cabdirashiid Macallin Faarax oo ah ganacsade, aqoonyahan iyo qurbajoog muddo ku lug lahaa shirarkii Khaatumo ee ka dhacay dalka dibadda. Wuxuu kamid ahaa guddiyadii ku shiray Jugjiga, Laasacaanood iyo Boocame. Inkastoo ololihiisa la dareemay toddobaadkii u dambeeyay, haddana culeyskiisa lama fududeysan karo, wuxuuna kamid noqon karaa dadka jaangooyo wareega u dambeeya ee doorashada.
Ugu dambeyntii, ololaha Cabdulqaadir Firdhiye waa mid ka muuqda magaalada, waxaana hawshiisa laga wadaa geed-fadhiyo dhawr ah oo uu magaalada ka sameystay. Hase yeeshee, waxaa kusoo wajahan dagaal saf ballaaran ah oo kaga imanaya mucaarad iyaga laftooda kala shakisan.