Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari ee maanta ka dhacday Laascaanood waxay ku dhammaatay guul weyn oo u soo hoyatay garabka Firdhiye iyo Dowladda Federaalka, kaddib markii Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan uu ku guuleystay kursiga ugu sarreeya ee Golaha Sharci-dejinta. Natiijadan waxay ka dhigtay mucaaridkii Murashaxii latartamay ee Cabdiqafaar Dheeliye watay kuwo guuldarro culus kala kulmay tartankii ugu adkaa ee siyaasadda gobolkaas bilowga u ahaa, halka Dowladda Federaalka iyo xulafadeeda loo arko inay si xeel dheer ugu guuleysteen dagaal siyaasadeed oo xasaasi ah.

Maxaa laga Yaqaanaa Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan?

Dr. Aw-Xasan waa aqoonyahan iyo siyaasi khibrad caalami ah leh, kuna dhashay Soomaaliya. Waxbarashadiisa sare waxa uu ku bilaabay Jaamacadda Qaranka Soomaaliyeed (Somali National University), halkaas oo uu ka qaatay shahaadada koowaad ee Agricultural Science sanadkii 1982. Waxbarasho dheeraad ah ayuu ku qaatay dalka Mareykanka, isagoo ka qaatay MSc Agricultural Economics jaamacadda Utah State University, halkaas kaddibna uu shahaadada PhD ee Agricultural Economics ku dhammeystay Oklahoma State University bishii December 1992.

Dr. Aw-Xasan waxa uu muddo dheer ka soo shaqeeyay hay’ado caalami ah oo waaweyn, gaar ahaan International Center for Agricultural Research in the Dry Areas (ICARDA) oo ka tirsan shabakadda caalamiga ah ee CGIAR. Waxa uu halkaas ku qaatay in ka badan 25 sano, isagoo soo maamulay barnaamijyo cilmiyeed iyo horumarineed oo ku saabsan wax-soo-saarka beeraha, siyaasadaha dhaqaalaha, iyo daryeelka deegaanka ee dalalka soo koraya.

Sanadkii 2017 ayuu ku fariistay shaqadaas, isagoo ahaa Agaasimaha Barnaamijka Cilmi-baarista Dhaqaalaha, Bulshada iyo Siyaasadda. Aw xasan ayaana ka shaqeeyay dalal badan oo Bariga Dhexe, Afrika iyo Aasiya ah, halkaas oo uu xiriir wax ku ool ah la yeeshay jaamacado, hay’ado cilmiyeed iyo deeq bixiyeyaal caalami ah.

Dr. Aw-Xasan waxa uu muddo dheer kusoo lug lahaa siyaasadda gudaha Soomaaliya. Waxaa lagu xusuustaa inuu isku sharraxay Madaxweyne Ku-xigeenka maamulkii kumeelgaarka ah ee SSC sanadkii 2023, waxaana sidoo kale uu soo noqday Wasiirka Xanaanada Xoolaha. Wuxuu kamid noqday Xildhibaannada Baarlamaanka cusub, taas oo u dhigtay buundo uu uga tallaabo kursiga ugu sarreeya ee Baarlamaanka Waqooyi Bari.

Haatan oo uu, Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan, noqday Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka waxa uu ballan qaaday inuu dhisi doono gole sharci-dejinta oo hufan, ka shaqeeya horumarinta bulshada iyo horumarinta siyaasadda deegaanka. Khibradiisa caalamiga ah ayaa ka dhigaysa hoggaamiye si fudud ugu xidhmi kara Baarlamaannadda dhiggiisa ah, dowladda dhexe iyo bulshada caalamka

Tartankii Adkaa: Guushii Dowladda iyo Guuldarradii Mucaaridka

Doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka waxay ahayd mid aad u adag, iyadoo la arkayay loollan siyaasadeed oo adag oo u dhexeeyay Dheeliye oo mucaaridku watay iyo Dr. Aw-Xasan oo Dowladda Federaalka iyo garabka Firdhiye taageerayeen.

Wareeggii koowaadba, Dr. Aw-Xasan ayaa helay 54cod, halka Dheeliye uu ku koobmay 29 cod. Natiijadaasi waxay calaamad cad u noqotay in mucaaridku lumiyay awooddii siyaasadeed ay sheeganayeen, halka Dowladda Federaalka iyo Firdhiye ay si muuqata u muujinayaan in gacantooda siyaasadeed ay weli xooggan tahay.
Guusha Aw-Xasan waxaa loo arkaa mid dowladdu si xeel dheer u qorsheysay, iyadoo maalgelin iyo taageero ballaaran lagu bixiyay si looga adkaado mucaaridka isku dayayay inay kursigan u adeegsadaan mid ay ku hoggaamiyaan dhammaystirka hanaanka dowlad dhiska Waqooyi Bari iyo Doorashada Madaxweynaha.

Guusha Dr. Aw-Xasan waxay isu beddeshay caddayn muuqata oo ah in Dowladda Federaalka iyo garabka Firdhiye ay ku guuleysteen dagaalkii siyaasadeed ee Baarlamaanka Waqooyi Bari. Mucaaridka, oo si weyn u waday Dheeliye, waxay wajahayaan guuldarro culus iyo su’aalo badan oo ku saabsan awoodooda siyaasadeed ee dhabta ah.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More